Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland bedeshay
Hargaysa 20. May 2017 (SDN/QJ):-Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalyeeyey shacabka & xukuumada JSL, maalinta Qaranimadda ee 18 May, halka wadammada Jabuuti, Kenya & Turkiga oo xafiisyo ku leh dalku kala masuugeen inay farxada la wadaagaan shacabka.
“Annigoo ku kalsoon in xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labadeena wadan, aanu keliya sii jirayn, balse, si balaadhan u sii xoogaysan doono, waxaan jecelahay inaan fursadan ku muujinayaa sida Xukuumadaydu ugu hambalyeynayso shacabka iyo xukuumada Somaliland munaasibadan aad u dabaaldegaysaan 26 guurada ka soo wareegtay maalinta Qaranimada 18 May.” Sidaa waxa lagu sheegay qoraal rasmi oo safaarada ee JDF Itoobiya ku leedahay caasimada Hargeysa ka soo baxay, kuna saxeexnaa Brig Gen Amb Berhe Tesfay, oo lagu socodsiiyey Wasaarada Arrimaha Dibedda JSL.
Jamhuuriyadda Somaliland oo madaxbanaanideeda kala soo noqotay 18 May, sannadkii 1991, wadanka Soomaaliya, ka dib markii midnimadii dhexmartay sannadkii 1960-kii lagu guuldaraystay, ayaan niyad wanaagsan iyo hambalyo ku saabsan munaasibada 18 May ka helin wadammadda Jabuuti, Kenya iyo Turkiga, oo xafiisyo ku leh dalka, isla markaana noqday kuwo kala masuugay shacabka Somaliland la qeybsiga farxadooda, taasoo noqotay fariin shacabka ku kala gartaan saaxiibkooda iyo cadowgooda, kuna qiimeeyn doonaan xidhiidhadooda mustaqbalka ee wadamada iyo dalka Itoobiya ay la wadaagayaan.
Dhinaca kale, wakiilka Ergeyga QM ee Somaliland iyo Soomaaliya Michael Keating, oo inta badan dhambaal hambalyo u dira xuska maalinta Qaranimada wadanka Soomaaliya, ayaa la saftay Jabuuti, Kenya iyo Turkiga oo ku guuldaraystay inay xushmeeyaan shacabka ay martida u yihiin, halka Warbaahinta Soomaaliya, ku dhaleeceeyeen dawlada Itoobiya hambalyadooda munaasibada 18 May, una rogeen inay muujinayso aqoonsiga JSL.
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyada Somaliland ayaa wadaagayey xidhiidh saaxiibtinimo wanaagsan, ilaa markii JSL la soo noqotay madaxbanaanideeda shirweynahii magaalada Burco sannadkii 1991-kii, waxaanay Itoobiya ahayd wadanka keliya ee wefdi rasmi ah u soo diray ee kala qeybgalay shacabka Somaliland.