|

Wiilkii 99 Dal Ka Badbaadiyay Budhacadnimadii Tiknoolajiyada Oo Hore Loogu Eedeeyey Falkan Oo Kale !

Washington 18. May 2017 (SDN/QJ):- Wiilka yar ee kahor tagay Falkii Budhcadnimo ee 99-ka Dal kusoo waajahnaa dhinaca tiknoolajiyada oo warbaahinta Dalka Britian ay maalmo kahor ku sheegeen inuu yahay halyey Badbaadiyay Dalalkaasi ayaa la xaqiijiyay in Dugsigii uu wax ka baran jiray looga eryay Falal la xidhiidha Dhinaca Budhcadnimada Tiknoolajiyada.

Wiilkan oo magaciisa dhabta ah haatan la baahiyay ayaa lagu sheegay in la yidhaahdo Marcos Hutchins waxaanu ku fashilmay Imtixaankii dugsiga sare gaar Ahaan Maaddada Kombiyuutarka kadib markii lagu eedeeyay inuu ku kacay Falal la xidhiidha budhcadnimo dhinaca Tiknoolajiyada ah oo uu kula kacay System-kii  uu ku shaqayn jiray dugsigii uu wax ka baran jiray.

Marcos oo falkaasi lagaga eryay Dugsiga kaga hadlay wareysi uu siiyay Mail waxaanu yidhi “Wax la ii xidhay in aan ahay Budhcad waxaan ka ogahayna ma jirto arrintaasi, balse xilligaasi System-ka Dugsigu uu khalkhalay waxaan isticmaalayay Internet-ka Dugsiga laakiin wax dambi ah oo aan geystay ma jiraan ee waa la iska kay eedeeyay waana la iga eryay Dugsigii aan wax ka baranayey”.

Dugsiga uu wax ka baran jiray Marcos oo la yidhaa Olfracom waxa uu ku yaallaa Magaalada Devon ee Dalkaasi Britain.

Comments are closed