|

Ambulance-Kii Ugu Horreeyay Waddamada Carrabta Noocee Ayuu Ahaa ?

Alexandria Hargaysa 18. May 2017 (SDN/QJ):- Dhibaatooyin badan oo mar walba aynu aragno hadii ay yihiin kuwa shilalku sababaan iyo kuwo kale ba, haddaba waxa jirta arrin aanay dad badan oo inaga mid ahi aanay ogeyn taasi oo ah in Ambulance-kii ugu horreeyay Dalalka Carabta uu markii ugu horraysay ka hirgalay Magaalada Alexandria ee Dalka Masar.

Haddaba, haddii aynu maanta aragno gawaadhi aad u heer sareeya oo loo adeegsado si loo badbaadiyo ama wax looga qabto dhibaatooyinka caafimaad ee kala duwan waxa Ambulance-kii ugu horreeyay ee ka hirgalay Dalalka Carabtu uu ka koobnaa gaadhi dameer, arrinta kaliftay in la sameeyana waxay ahayd qaylo dhaan ka soo yeedhay Bulshada ku dhaqan Dalkaasi oo aad ugu baahatay Adeegyo Caafimaad, waxaana Ambulance-ka  noocaasi ah la sameeyay sanadkii 1904tii intaasi kadibna waxa uu ku faafay guud ahaan Dalalka Bariga dhexe.

Comments are closed