|

Kenya Oo Aan Weli Fulin Qodob Ka Mid Ahaa Heshiiskii Ay La Gashay Somalia & sababta ka dambeysa

Nairobi 17. May 2017 (SDN/QJ):- Dowladaha Kenya iyo Somalia ayaa dhowaan heshiisyo la xiriiray dhinaca socdaalka ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya kuwaasoo quseeya danaha labada dal.

Heshiiskaas ayaa dhameystir u ahaa heshiis ay horey madaxda labada dowladood ugu kala saxiixdeen Muqdisho oo Kenya loogu fasaxay Qaadka ay u soo dhoofiso Somalia oo ay hakisay dowladii Madaxweyne Xasan Shiikh.

 

Qaar ka mid ah qodobada heshiiska Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweyne Farmajo iyo dhigiisa Kenya ayaa fulay, qaar kalena weli dowlada Kenya ma aysan fulin.

 

Waxaa ka mid ahaa qodobada la dhaqan geliyey joojinta duulimaadyada Soomaallida ee sii mari jiray garoonka Wajeer oo dhibaato badan lagu qabay balse qodobada illaa hadda Kenya aysan fulin waxaaa ka mid ah qodob sheegaya in dadka wata baasaboorada diblomaasiga iyo Service-ka ee Soomaaliga ah dalku-galka ama visaha Kenya lagu siiyo garoomada dalkaas.

 

Ilo diblomaasiyadeed oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Kenya ay ka caga jiideyso fulinta qodobkaas ka dib markii ay ka war heshay in baasaboorada diblomaasiga iyo Service-ka si xad dhaaf ah loo siiyey dad Soomaali ah oo aan aan aheyn diblomasiyiin iyo shaqaale dowladeed.

 

Arintan ayaa dibeda soo dhigtay musuqmaasuqa xooggan ee lagu bixiyo labadan Baasaboor kaasoo sababay iney qaataan dad fara badan oo aan ehel u aheyn, iyadoo heyadda socdaalka iyo Jinsiyadaha ay ku guulareysatay iney xakameyso labadan baasaboor.

 

Sidoo kale, masuuliyiin sare oo ka tirsanaa dowladihii sanadahan isaga dambeeyey talada dalka ayaa iyana la aaminsan yahay iney shaqsiyaad iyo dad ay is xigaan u suuragaliyeen in la siiyo baasabooradan, iyagoo adeegsanaya awooda iy mansabka dowladnimo ee ay markaas hayeen.

 

Sidoo kale kooxo muqalasiin ah oo xiriir la leh masuuliyiin ka tirsan heyadda socdaalka ayaa iyana u suuragaliyey iney dad badan qaab musuq maasuq ah loo siiyo baasaboorada diblomaasiga iyo Service-ka, waxaana arrimahan ay sababeen kalsoonida darada heysata labadan baasaboor.

Comments are closed