|

Ku Xigeenkii Saddaam Xuseen Maxuu ka yidhi inay Saraakiishoodii Ku Jiraan safafka Daacish?

Tunis 17. May 2017 (SDN/QJ):- Wargayska dalka Tunis ka soo baxa ee “The Maghreb street’ ayaa shalay Isniintii waxa uu baahiyey waraysi dheer oo uu la yeeshay siyaasiga ay ugu yeedhay ‘ninka dunida loogu raadin badan yahay’ Cali Cizzat Duuri oo ah odayga dhuuban ee markii geeridiisa la sheegaba ay hadana beenowdo oo isaguna ka sii qaado firfircooni dheeraad ah, waxana uu ka mid yahay ragii muranka ugu badan dhaliyey ka dib dhicitaankii xukunkii xisbigii Al-Bacsi ee Dalka Ciraaq oo uu gudoomiye ka ahaan jiray.

Wargaysku waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo xiliga iyo meesha ay waraysiga kaga qaadeen si ay ammaankiisa u ilaaliyaan, isagoo waraysigiisa ku beeniyey warbixinaha ay sheegayaan sirdoonka Dalalka reer galbeedka ee ku saabsanaa in saraakiishii ciidamadii Ciraaq ay xubno ka yihiin Ururka dawlada islaamiga ah ee Daacish, waxana uu ku sifeeyey talaabo lagu sumcad xumaynayo Xisbigii Bacsiga iyo Millaterigii Ciraaq, sida uu hadalkiisa u dhigay.
Cali Cizzat Duuri waxa uu dhaleeceeyey dawlada iran oo uu ku tilmaamay inay farogelin ku hayso arimaha Ciraaq, waxana uu sheegay in uu weli ku ciil qabo taageeradii suuriya siisay Iran sanadihii sideetameeyadii ee qarnigii ina dhaafay markii uu socday dagaalkii Ciraaq iyo Iran.
Xaalada siyaasadeed ee Dalka tunis oo wax laga weydiiyey waxa uu ku sifeeyey inay ku sii socoto halkii ay taagnayd xiligii Madaxweyne Bin Cali iyo meel ka sii xun, maadaama buu yidhi la fashiliyey mashruucii siyaasadeed ee islaamiga ahaa ee wadankaasi, waxana uu ku tilmaamay islaamiyiinta reer Tunis kuwo furfuran.

Comments are closed