|

Maxaa Ka jira Dhulka ay Masar Dhowaan Ka Qabsatay Sudan? Mase Jirtaa In Saldhig Maraykan oo Qarsoodi ahi Ku yaalo Sudan?

Khartuum 17. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa sheegay in dalkiisu samirka kaashanayo inkastoo ay Dawlada Masar qabsatay dhul ay Sudan leedahay. waxana uu ku eedeeyey Warbaahinta Masar inay sumcad xumayn ku hayaan  Qaranimada Sudan iyagoo weliba ka dheregsan awoodda Taariikhiga ah ee uu leeyahay xidhiidhka Masaarida iyo Sudan.

Madaxweyne Bashiir oo maanta u waramay Telefishinka Al-jazeera waxa uu sheegay in aanay dhankooda wax waxyeelo ah u gaysan Masar inkastoo ay dhowaan qabsadeen dhul ay Sudan leedahay, isagoo u jeeday dhulka saxaaraha ah ee Halaib and Shalatin oo ay Qaahirana u haysato dhul ay Masar leedahay.

Dhanka kalena Madaxweynaha Sudan waxa uu sheegay in iska hor imaad kasta oo xiligan labada wadan ka dhex qarxaa inuu yahay mid faa’iido u noqonaya wax uu ugu yeedhay ‘cadowga umadda‘ oo labada wadanba bartilmaameed u ah, waxana uu beeniyey in saldhig milateri oo qarsoodi ah ay Maraykanku ka samaysteen dhulweynaha Sudan.

Comments are closed