|

Waa Kuwama Dalalka Weerarku saameeyey? Natiijada Duulaankii Electraonic ahaa ee Lala Beegsaday 100-ka Dawladood

Washington 17. May 2017 (SDN/QJ):- Weerarkii balaadhnaa ee dhanka Electronic-ga ee  Maalintii jimcihii dunida ka dhacay waxa uu sababay inay shaqada ka fadhiistaan tobanaan kun oo Computer oo lagu kala isticmaalayey in ka badan 100 wadan oo dunida ah, waxana khubaradu ku tilmaameen weerar aan isagoo kale soo marin dunida, marka la eego xajmiga uu lahaa, hadaba Waa maxay Sababta Looga dan lahaa, sidee buuse u dhacay?.

Weerarkan Electraonic-ada ahaa oo loo fuliyey qaab mowjado is dabo jooga waxay saameeyeen boqolaal dawladood 14 Bishan May, sida ay caddaynayaan Booliska Qaaradda Yurub (EuroPol) weerarkaas oo raad ku yeeshay shaqadii ay hayeen tiro badan oo Hay’ado ah oo ay ka mid ahayeen cisbitaalada waaweyn ee Dalka Britain, shirkada farsamada Gaadiidka ee “Renault’ ee Dalka faransiiska iyo hanaanka sarifka lacgaha ee Dalka Ruushka.

 

Laga soo bilaabo Raashiya ilaa Spain ama Mexico ilaa Vietnam ayuu si rasmi ah u saameeyey weerarkaasi, ha ugu sii badnaadeen Dalalka Qaaradda Yurub, waana farsamo weerar oo waxyeelanysa qaybta Windows  operating system ee Computer-ada, waxana la daahqaaday in weerarku gaadhay Hay’adda amniga Gudaha ee Dalka maraykanka ” US National Security’ oo xogaheeda qaar ka mid ah la jabsaday oo lala baxay.

 

Booliska faransiisku waxay sheegeen in weeraradaasi ku dhaceen illaa 75 kun oo Computer oo daafaha caalamka kala yaalla, iyadoo gabadha la taliyaha ka hortagga  dembiyada u ah madaxweynaha faransiiska   Valerie Maldonado ay u sheegtay Shabakada warbaahineed ee France Press in waxyeeladu intaa ka sii badnaan doonto, khatartuna ay tahay mid weli taagan.

Comments are closed