Ganacsato Abaabuleysa Banaan Bax Ka Dhan Ah Duqa Muqdisho iyo Sababta Ka Dambeysa
Muqdisho 17. May 2017 (SDN/QJ):- Qaar kamid ah ganacsatada xarumaha ganacsi ku leh laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa abaabulaya banaan bax ka dhan ah amar uu dhawaan soo saaray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.
Amar kasoo baxay Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo ku aadan in hareeraha laamiga Maka Al Mukarama la dhigan karin gaadiidka ayaa saameyn balaaran ku yeeshay ganacsigii ka jiray Laamiga Al Mukarama .
Ganacsatada ayaa ka careysan amarka kasoo baxay Gudoomiyaha gobolka Banaadir, waxa ayna sheegeen in ay qarka u saaran yihiin in ay iska xiraan goobahooda ganacsi maadama aysan heysan wax ganacsi ah.
Qaar kamid ah ganacsatada ayaa sheegay in wadaan abaabulka banaan bax ay kaga cabanayaan amarkan kasoo baxay Gudoomiyaha gobolka banaadir ee saameynta ku yeeshay ganacsigooda, waxa ayna tilmaameen in cabashadooda u gudbiyeen Gudoomiyaha wax jawaabna ka waayeen.
Ganacsigii ka jiray Laamiga Maka Al Mukarama ayaa dhulka galay kadib markii gaadiidka laga mamnuucay in laamigaasi la dhigto, waxaana Maqaayadaha iyo xarumaha ganacsi kale ee laamigaasi ku yaala inta badan wax ka iibsan jiray dadka gaadiidka wata.
Ciidamada Taraafikada ayaana jiidaya gaarigii ay ku arkaan hareeraha laamiga Maka Al Mukarama, waxaana gaadiidka marka la geeyo xarunta taraafikada laga qaadaa lacag badan oo ganaax lagu sheegay.