Dagaal Laba Beelood Oo Budhadh La Isku Adeegsaday Oo Markii Dambe Hub Urursi Isku Badelay Oo Ka Dhacay Xeebta Woqooyi Ee Magaaladda Hargeysa Iyo Dhaawacyo Hargeysa La Keenay
Hargaysa 16. May 2017 (SDN/QJ):- Dagaal budhadh la isku adeegsaday ayaa laba beelood ku dhex maray Doraad Deegaano ka tirsan Xeebta Woqooyi ee Magaaladda Hargeysa,dagaalkaasi oo markii dambe isku badelay Mid la isku hub urursaday,Waxana dhaawacii ku waxyeeloobay Dagaalkaasi oo sagaal qof ah loola soo cararay Magaaladda Hargeysa iyagoo sida la sheeggay ay labadaasi beelood Xalay illaa shalay isku horfadhiyeen dhawr aag oo ay ood wadaag ka yihiin oo kuyaala Deegaanka Cabdi Geedi.
Axmed Ibraahim Oo ka mid ah Oday dhaqameedka Beelaha Deegaankaasi dega oo Wargeyska Foore waraysi khaas ah siiyay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Arintani doraad ayay dhacday,dagaalkani waxa uu ka bilbaay Riig Biyood kuyaala Deegaanka Cabdi-Geedi ,kadib markii loo diiday Gabadh Ceelkaasi ka dhaansanaysay ayuu dagaalkaasi bilaabay,Gacan ayaanu ku bilaabay,dhaawicii waxa soo qaaday ninka Haysta ciidanka Qaranka Deegaanka Fuguxo oo lagu Magacaabo Food cade,markaa markii hore markii ay galeen Ciidanka Fuguxo waxa rasaas la dhacay Ciidan beeleed Ciise ah,cid waxba kuma noqon Rasaastaasi,balse waxa uu dhaawacani ka dhashay Dagaalkii gacan ka hadal ahaa ee Ragga ku dhex maray Barta uu Ceelbiyoodkaasi kuyaalay oo carqalada iyo Muranka dagaalka ka abuurmay”.
Waxa kale oo uu sheegay in beelahaasi dagaal ay isku horfadhiyaan Deegaanka Cabdi-Geedi islamarkaana aanay jirin Cid u gurmatay oo kala dhex gashay“dadka Dhaawacyada qabaa way kala duwan yihiin oo siyaabo kala duwan ayuu dhaawacu u gaadhay Waa Sagaal Qof Laba waa Ciise halka Todoba kalena yihiin Beesha Sacad Muuse Woqooyi, Qaar ayaa dhaawacu kaga yaalaa Lugaha,Feedhaha iyo Madaxa waxaana dhaawacooda lagu dabiibayayaa Hargeysa, labadii Ciidan Beeleed waxay isku horfadhiyaan Deegaanka Cabdi-Geedi,way isku hub urursadeen,Dawladuna illaa imika may dhex galin”.
Deegaanka Xeebta Magaaladda Hargeysa ayaa waxa in muddo ah ka aloosnaa Muran ku salaysan dhinaca Xuduudaha ay ku kala noqdaan Beelahaasi halkaasi wada degaa,Waxana dhawr jeer Deegaamadaasi ka dhacay Shaqaaqooyin markii dambe la damiyay balse huursan oo laga cabsi qabo inay ka abuuranto dagaalo ehli ah oo beelahaasi dhex mara oo xalkoodu adkaado.