‘’Madaxda Somaliland Kuwii Diidanaa Gooni Isu Taagu Way Ogol Yihiin Kuwii Ogolaana Way Diideen’’ Siyaasi Cali Guray
Hargaysa 16. May 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ ayaa ka hadlay Kulan Magaaladda Jabuuti Ku dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Iyo Dublamaasiyiin Ka Tirsan Safaarada Ruushka ee Jabuuti Isla markaana laga wada hadlay Sidii Ruushku u heli lahaa Saldhigii Mileteri ee uu Xiligii Dagaalkii qaboobaa ka samaystay Magaaladda Berbera ee Maanta ay Somaliland siisay Imaaraadka Carabta,Waxa uu Shaki Geliyey Cali Guray in Xukuumadda talada haysaa ay dalkan gaadhsiin karto Doorasho.
Qoraal Kooban oo uu ku faafiyey degelkiisa Facebook ayaa u dhignaa Sidan:-
Maxay kuugu taalaa kol hadii Madaxda Somaliland kuwii diidanaa Gooni-isu-taaga Somalilanda ogol yihiin kuwii ogolaana diidan yihiin hadana Ictiraafka Soomaaliland ka hadlayaan.
Dad baa u hayata in ay tahay markii ugu horeeysay ee Ruushku uu xidhiidh toosa la yeesho Xukuumadda Somaliland. Miyaanay hore ula soo xidhiidhin oo wax ay u ogolyihiin Somaliland oo aqoonsi ilaa afartan dawladood ahi ku jiro u soo bandhigin oo aan laga diidin sidii ay markii dambe kuwo xukuumadda ku jiraa goobo badan ka sheegeen. Weli madaxda Somaliland waxa ka dhiman in xidhiidhada caalamiga ahi ku dhisan yihiin dano eenay ku dhisnayn jacayl iyo nacayb. Inaga iska daa dawlad eh sharkad baa dalka oo dhan inagala wareegi karta hadii ay laaluushto madaxdeena Sare.
Maanta waxa werwer badan laga qabaa oo dadka xogogaalka ahi wadnaha farta ku hayaan tolow ilaa doorashada uun may ina gaadhsiin kari kuwani mise intaa doorashaba la gaadhin baynu afka dhulka dari. Buubuuninta Dawladda Muqdisho wax kale maaha waa xaaladda rejo ka dhigga ah ee ta Somaliland oo xogogaal loo wada yahay.