|

Virus Qiimihiisu Yahay $ 20 Dollar oo Jaho-wareer ku riday Dalal Badan Oo Adduunka Ah

New York 16. May 2017 (SDN/QJ):- Virus-ka magaciisa loo yaqaan Alphanumeric ayaa waxa uu ka yaabiyay Guud ahaan Dunida maalmihii la soo dhaafay, waxa aanu Virus-kani awood u yeeshay in uu shaqada ka joojiyo shabakado shaqo oo aad u badan waxaanu khasaare aad u badan soo gaadhsiiyay Dalal badan oo Dunida ka mid ah.

Arrinta aadka u la yaabka badan ayaa waxa ay tahay in Virus-ka waxaasi oo dhibaato ah gaystay isla markaana ay Dad aad u tira badan ku khasaareen hanti aad u badan uu qiimihiisu yahay 20$ oo kaliya.

Virus-kan ayaa waxa uu ka mid yahay Virus-yada ugu halista badan ee loo adeegsado jabinta Koombiyuutarada iyo Sidoo kale Telefoonnada gacanta ee Smart Phones-ka, waxa aanu Virus-kani u fududaynayaa qofka adeegsanaya in uu si toos ah u maamulo Koombiyuutarka ama Telefoonka uu adeegsado, waxa kale oo uu u diidayaa qofkii lahaa amase ku shaqaysanayay in aanu waxba ku qabsin Karin Koombiyuutarka amase Telefoonka.

Arrintaasi waxa ay keentay in markii la isticmaali kari waayay Koombiyuutaradii iyo Telefoonnadii ay budhcadu u adeegsatay Virus-kani ay dalbadaan in la siiyo lacag si ay mar danbe ugu sii daayaan Koombiyuurtarka ama Telefoonka qofkii isticmaalayay .

Goobaha ugu waaweyn ee ay budhcaddu Virus-kan u adeegsatay waxa ka mid ah Nidaamka ay ku shaqayso wasaaradda Caafimaadka Ee Dalka Britain, sidoo kalena waxa uu Virus-kaasi sabab u noqday in qalliino badan oo laga fulin lahaa dalkaasi labadii maalmood ee la soo dhaafay ay dib u dhacaan, nolosha dad badan oo bukaan ahina ay halis gasho.

Comments are closed