|

Maxkamad Xukuntay Nin Dil Ugu Hanjabay Madaxweynihii Hore Ee Maraykanka Obama

Washington 16. May 2017 (SDN/QJ):- Maxakmad ka mid ah maxkamadaha Dalka Maraykanka ayaa waxa ay ku xukuntay  Muwaadin u dhashay Dalkaasi shano sano iyo saddex bilood oo xadhig ah.

Muwaadinkan ayaa Madaxwaynihii hore ee Dalka Maraykanka  ee Obama ugu hanjabay dilka, ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa John Rose waxa aanay Da’diisu tahay 62 jir waxa aanu ka soo jeeda Gobolka Oregon.

Mr John ayaa waxa uu Obama u soo dhigay Twitter-ka in uu dili doono, laakiin markii warkaasi la ogaaday ayaa Maxkamadda Gobolkaasi waxay ku soo rogtay Mr John Xukunkaasi xadhigga ah..

Comments are closed