Wiil Aan Cilmiga Tiknoolajiyadda Baran Oo Ka Hor-tagay Weerarro Lagu Qaaday Koombiyuurrada 99 Waddan !!
London 16. May 2017 (SDN/QJ):- Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay Dalka Britain ayaa waxa uu ku guuleystay in uu ka hor tago Masiibo dhinaca Tiknaloojiyadda ah oo 99 Dal oo Dunida ka mid ahi ay Qayla Dhaan ka muujiyeen.
Wiilkan ayaa waxa ay Da’diisu tahay 22 jir waxa aanu ku nool yahay Guri ku yaalla Miyiga Dalkaasi, waxa ay Warbaahinta Dalkaasi Britain xaqiijisay in wiilkan yar aanu wax aqoon ah u lahayn Tiknaloojiyadda, balse uu aad u jecelyahay Isticmaalka Koombiyuutarrada .
Waxa kale, oo aad u layaab badan in wiilkan yari uu isagu is baray adeegsiga Koombiyuutarka oo aanay cidina barin.
Wiilkan ayaa waxa uu ku caan yahay magaca Mulwar Tech waxa aanay warbaahinta Dalkaasi sheegtay in aanay magaciisa dhabta ahaa ahay, balse uu Baraha Bulshada ku isticmaalo Magacaasi.
Wiilkan ayaa waxa uu ku guulaystay saacado yar gudahood in uu ogaado goobta laga hagayey Virus-ka Dalalka badani ka qayliyeen, waxa aanu isla markiiba ku guulaystay in uu joojiyo, si aanu ugu fidin Qalabka Tiknoolajiyadda ee Dadkii Viruska adeegsaday ugu talo-galeen inay ku waxyeeleeyaan.