Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga oo Soo Badbaadiyey 484 Muhaajiriin ah oo Badweynta Heehaabayay
Roma 16. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada ilaalada Talyaaniga ayaa soo badbaadiyey 484 tahriibayaan ah oo watay doono heehaabayey badda Midhatareeniyaanka
Toddoba qof ayaa dhintay 484 oo kalena waa la soo badbaadiyey ka dib markii doonyo ay wateen ay la kumeen ciidamada Talyaanigu kuwaasi oo doonayey inay u gudbaan dalalka Yurub, sida laga soo xigtay ilaalada xeebaha Talyaaniga. Tahriibayaasha ayaa wata afar doomood oo ka samaysan rabadh, markii ay la kulmeen ciidanka ilaalada xeebaha Talyaanigu ee ay soo badbaadiyeen.
Sida ay sheegtay hayada IOM 45, 000 oo qof ayaa talyaaniga ku soo galay doonyo oo intooda badani ka soo safray waqooyiga afrika, dadka ayaa 40% sii kordhay sannadkii hore. Dhimashada ayaa gaadhay halkii ugu sarraysay tobankii bishan May ee sannadkan taasi oo gaadhay 1,222 oo qof. Badda u dhaxaysa liibiya iyo Talyaaniga ayaa tan ugu khatarta badan adduunka taasi oo sababta dhimasho aan xad lahayn
Sarkaal sare oo u hadlay dawlada Liibiya ee ay taageerato Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin inay wax la taaban karo ka qabtaan tahriibayaasha sii mara xeebaha Liibiya, balse lama garan karo siduu hadalkaasi xaqiiqo u yihiin.