Xisbiga Dimuquraadiga oo Sheegay inay Diidi doonaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda FBI Maraykanka ee Madaxweyne Donald Trump Magacaabay Isla Markaana ka Digay in la Tirtiro Cajalado Siro Xasaasi ahi ku Duuban Yihiin
Washington 16. May 2017 (SDN/QJ):- Xubnaha Xisbiga Dimuquraadiga ee Maraykanka ayaa sheegay inay diidi doonaan agaasimaha cusub ee uu FBI soo magacaabo Madaxweyne Trump
Xubnahan ayaa sheegay inay ka horiman doonaan shakhsiga uu doonaya inuu u soo magacaabo hayada sirdoonka ee FBI, xubnahan ayaa sheegay inay marka hore sax tahay in la magacaabo garsoore madax bannaan oo soo baadha xidhiidhkii dhexmaray Madaxweyne Trump iyo Ruushka ee baadhista uu ku hayey madixii hore hayada sirdoonka maraykanka James Comey.
Madaxda Ruushka ayaa hore u beeniyey inay wax lug ah ku lahayn doorashadii Maraykanka ee uu ku soo baxay madaxweyne Trump, dhinaca kale xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka ayaa saxaafadda gudaha Marykanka u sheegay in aanay wax lug ah ku lahayn Ruushku ololihii uu kuu soo baxay Madaxweyne Trump.
Sida ay baahisay wakaalada wararka ee Reuters eriyitaankii madixii hayada sirdoonka maraykanka James Comey ayaa xiisad siyaasadeed ka kiciyey dalka Maraykanka, Trump ayaa caydhinta James Comey ku sheegay in aanu shaqo wanaagsan qaban oo uu lumiyey kalsoonidii hayada FBI.
Dhinaca kale Masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa madaxweyne Donald Trump ugu baaqay in uu soo wareejiyo dhammaan cajaladaha laga duubay wada hadaladii dhexmaray isaga iyo Madaxii hay’adda FBI-da Mr: James Comey ee uu shaqada ka eryey.
Hogaamiyaha xubnaha aqalka Senetka ee xisbiga Dimuqraadiga Charles Schumer ayaa ka digay in tirtirid cajaladahaasi lagu sameeyaa ay sharciga ka hor imnayso.
Lindsey Graham oo ka tirsan mudanayasa aqalka Senate-ka kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegtay in loo baahan yahay in “Aqalka Cad” ee Maraykanka looga arrimiyaa uu caddeeyo in cajaladahaa la sheegayaa ay jiraan iyo in kale.
Hadaladan ayaa imanaya ka dib markii Trump uu Twitterka ku soo qoray wax u muuqday hanjabaad aan toos ahayn oo uu u jeediyay madaxii hore ee FBI.-da ee shaqada uu ka fadhiisiyey.
Mr: Trump ayaa Comey uga digay todobaadkii hore in uu la hadlo warbaahinta, wuxuuna sheegay “in ay u fiicnaan lahayd in uu rajeeyo in aan cajalado laga haynin” wadahadalladii dhexmaray labadooda.
Hase ahaatee Aqalka Cad ee mareykanka looga taliyaa wali ma xaqiijinin mana diidin inay jiraan cajaladahaasi.