Maayarkii Degmadda Xariirad oo Geeriyooday Kadib Markii uu Doox Qaaday Iyo Wasiirka Ciyaaraha oo Dirqi Ku badbaaday
Hargaysa 15. May 2017 (SDN/QJ):- Alle ha u naxariistee Waxaa Geeriyooday Galabta Maayarkii Degmada Xariirad ee Gobolka Awdal Abokor Guuleed Kadib Markii uu qaaday Dooxa abase oo 55 Km dhinaca Galbeed kaga began Magaaladda Boorama.
Waxaa Shilkan ka Badbaaday Wasiirka Wasaaradda Dhallinyaradda Iyo Ciyaaraha C.risaaq Waaberi Rooble,Askari ka Mid ah Ilaaladiisa Iyo Weriye ka Tirsan Telefishanka Star Kuwaas oo wada saarnaa Gaadhiga Wasiirka Ciyaaraha Warku Wuxuu intaas ku darayaa in Mas’uuliyiintani la Kulmeen daad xoogan oo Marayay Dooxa abase.
Maydka Maayarkii Degmada Xariirrad alle ha u naxariistee Abokor Guuleed ayaa la Geeyay Degmada Boon.
Geesta Kale Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug(Buraale) ayaa uga Digay dareewalada iyo Shacabka Gobolka Maroodi Jeex inay ka Taxadiraan inay Maraan Dooxyada Xiliyada uu daadku socdo.
Dabayaaqadii Bishii March ee Sannadkan ayaa Dooxa aw barkhadle Waxa uu qaaday laba haween ah oo Walaalo ah Kuwaas oo Mid ka Mid ahi ay Ku Geeriyootay Shilkaas.
Shilalka ka dhasha Daadadka Maraya dooxyada ayaa inta badan waxay sababaan Khasaare nafeed iyo Mid hantiyeed.