Madaxweynihii 39 Jirka ahaa ee Dalka Faransiiska oo Maanta Xilkii Loo Dhaariyey,Beri oo uu Raysal Wasaare Magacaabi Doono Iyo Waxa Ugu Muhiimsanaa ee Maanta Lagu Wareejiyey SAWIRO
Paris 14. May 2017 (SDN/QJ):- Manual Macron, oo 39 jir ah ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey Madaxweynanimada Dalka faransiiska, ka dib munaasabad balaadhan oo axadii maanta ka dhacday Qasriga Elysée ee Magaalada Paris, waxaana xilkaa wareejiyey Madaxweynahii hantiwadaaga ahaa ee fransua Holland.
Macron waxa uu noqonayaa Madaxweynahii ugu da’da yaraa ee soo mara jamhuuriyada faransiiska waana Madaxweynahii Sideedaad ee Dalkaasi tan iyo intii uu qaatay hanaanka Jamhuuriga.
Kulan gaar ah oo ay qaateen labada Mas’uul ee jagada Madaxweynanimada isku wareejinaya ayaa Fransua Hollande waxa uu madaxweynaha cusub si gaar ah ugu wareejiyey Furayaasha saanadda quwadda Nuclier-ka ee Dalka Faransiiska.
Madaxweynaha ayaa isniinta berrito Magacaabi doona Raysalwasaare iyadoo maalinta xigta ee Salaasadana la dhisi doono Xukuumad Dhammaystiran, waxana la filayaa inuu hogaamin doono xukuumad aan siyaasadeeda Arimaha dibadu wax badan iska bedelayn, Todobaadka u horeeya xukunkiisana waxa uu booqan doonaa Magaalada Barlin si uu ula kulmo haweenayda xukunta Jarmalka Angela Merkel.
caqabada koowaad ee Madaxweynaha hor taallaa waa sida ay taageerayaashiisu kuraas uga heli lahaayeen Doorashooyinka Baarlamaan ee dalkaa ka qabsoomi doona bisha June ee soo socota, waana arin lama huraan ah inuu helo taageerada aqlabiyada baarlamaanka si uu u fulo qorshihiisa siyaasadeed.