|

Tirada Xildhibaanada Puntland oo la kordhinayo iyo Gaas oo ka hadlay Sababta ka dambeysa

Garowe 15. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxwenaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeesay xaqiijiyay warar soo baxayay oo sheegayay in la kordhinayo tirada uu hada ka kooban yahay Xildhibaanada maamulkaasi.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in uu la hadlay gudoomiyaha barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi kana codsaday in uu furo kalfadhiga Baarlamaanka si xubno dheeraad ah oo Baarlamaanka ku matalaya beelaha aan xubnaha ku laheyn loogu kordhiyo.

 

“ Barlamaanka Puntland ee 66-da ah 50% , qabiilada qaar waa ku jiraan qaarna waa ka maqan yihiin, Maxaa mid ugu jiraa midna ugu jiri waayay?, Maxaa markii hore lagu saleeyay? Ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

 

Madaxweynaha Punland ayaa sheegay in markii hore cadaalad daro lagu dhisay Baarlamaanka Puntland, waxa uuna sheegay in uusan xaq aheyn in baarlamaanku sii ahaado tiradii lagu aas aasay 19-sano kahor, waxa uuna u balan qaaday in xaqooqa u raadin doono qabiilada la xaqiray.

 

Tirada lagu kordhinayo Xildhibaanada Puntland ayaan wali la cadeyn iyo sidoo kale qabiilada xaquuqda ka maqan tahay, waxaana horey u jiray in beelo badan oo dega Puntland xaquuqdooda la boobay wax xubno ahna aan laga siin baarlamaanka maamulkaadsi.

Comments are closed