|

Haweenay La Furay Oo Maxkamadi U Xukuntay In La Siiyo Boqolaal Kun Oo Dollar !

London 15. May 2017 (SDN/QJ):- Garyaqaanka soo saaray xukunkan oo ka hawl gala Maxkamadaha Dalka Britain ayaa diiday inuu shaaciyo Magacyada labada lammaane ee hore isku qabi jiray, balse haatan kala tagay waxaanu sheegay in ninku uu ahaaganacsade ka ganacsada Gaasta iyo shidaalka.

Waxaanu ku sheegay wareysi uu siiyay The Guardian in  ninka Da’diisu tahay 61 jir, halka haweenayda Da’deedu tahay 44 jir, waxa kale oo uu sheegay in lagu xukumay ninkaasi inuu  gabadhaasi siiyo mag-dhaw dhan shan boqol oo kun oo Dollar, maadaama oo sababta keentay Furniinkani tahay khilaaf dhinaca xidhiidhka ah oo kala dhex galay labadan lammaane, waxaanu Dalka Britain sidaasi ku nqoday Dalka ugu badan ee Mag-dhawyada xad-dhaafka ah ku xukuma Lammaanaha kala tagay amase is furaya.

Comments are closed