”DP World Ayaa Itoobiya Dekedda Berbera ka Siisay 19%” Xukuumada Somaliland oo Sharaxday Saamiga Itoobiya Laga Siiyay Berbera Sida uu Ku Yimid DAAWO
Hargaysa 13. May 2017 (SDN/QJ):-Dawladda Somaliland ayaa faah-faahisay sida loo kala qeybsaday faa’iidada kasoo baxaysa dekedda magaalada Berbera.
Maalmihii lasoo dhaafay waxa magaalooyinka Somaliland aad loo hadal hayay in 19% faa’iidada ka soo baxaysa dekedda magaalada Berbera qayb ahaan loo siiyay dawladda Itoobiya.Warkan ayaa soo baxay markii Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee Midoobay ee DP WORLD oo ballaadhin ku samaynaysa dekedda Berbera ay dorraad la wareegtay.
Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo, Xuseen Aadan Cigge (Deyr) ayaa sheegay in saamiga la siiyay Itoobiya aanay ahayn mid ay Somaliland bixisay. Waxaanu sheegay in sharciyan ay shirkadda DP WORLD oo saamigaasi siisay Itoobiya ay xaq u leedahay inay bixiso.