|

Dadka u Dhashay Somaliland ee ku Nool Muqdisho oo  Dalbaday Diyaarado ay Kaga Baxaan Soomaaliya DAAWO

Muqdisho 13. May 2017 (SDN/QJ):- Dadweyne  reer Somaliland ah  ee aaminsan mabda’a Soomaali weyn ee degan Muqdisho, ayaa  ka gadooday sarkaal dawladda  Soomaaliya u shaqeynayay oo  la odhan jiray Maruxum- Mursal Cumar Cismaan oo ka soo jeeda Somaliland  oo habeenimadii Salaasadii ee todobaadkii tegay uu askari ka tirsan nabadsugida Soomaaliya ku dilay Magaalada Muqdisho.

Shirjaraa’id oo  koox ka koobnayd dhallinyaro, odayaal iyo haween u dhashay Somaliland hase ahaatee, ku nool Muqdisho, ayaa shirjaraa’id oo ay maanta qabteen, waxay ku cambaareeyeen dilka loo geystay, waxaanay sheegeen inaanay ku noolaan karin Soomaaliya.

“Agaasimihii Maxkamadda sare ee Soomaaliya Mursal Cumar Cismaan ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho habeenimadii Salaasadii toddobaadkan, waxa dilay  nin kabtan ah oo nabadsugida Soomaaliya ka tirsan oo Gen. Gaafow dirawalkiisii khaaska ahaa ah. Waxa marxuumkan lagu dilay baastoolad sharciyaysan oo dawladdu leedahay. Ninkani markii uu dilka geystay gurigii Gaafow ayuu galay,”ayuu ku tiraabay nin ka mid ah dadkii shirkan jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Marxuum-Mursal wuu dhintay isagu, mana aha qofkii koowaad ee Somaliland ka soo jeeda ee lagu dilo Muqdisho, waxa ka horreeyay ALLE ha u naxariistee  xildhibaan hore Marxuum-Yuusuf Dirir  oo xiligii Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh, madaxtooyada laga soo diray baabuurkii lagu dilay. Maydkayaga waanu qaadanaynaa Hargeysa ayaanu la tagaynaa, koonfur Afrika ayay maanta noo tahay Muqdisho oo Soomaalida lagu gubo.”

 

“Waxaanu ka codsanaynaa  Somaliland inay noo soo dirayaan diyaarado aanu maydkayagana ku qaadanno, intayada joogtaana ku baxno,”ayuu yidhi Ninkaas u hadlayay dadka reer Somaliland ee ku sugan Muqdisho.

 

Dadka reer Somaliland ee jooga Muqdisho, waxay sheegeen in ninkii dilay Marxuum-Mursal Cumar aan loo soo qaban si sharciga loo horkeeno, waxaanay tilmaameen inay tacadi ka tirsanayaan.Waxay sheegeen in Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ay oofiyaan balanqaadkoodii ahaa in qofkii qof dila loo qisaaso.

Comments are closed