|

Dhakhtar ka Sucuudiga: Dhakhtar Waqtigiisa & Aqoontiisa Oo Lacag La’aan Ah Ugu Deeqay Dadka Da’da Ah !

Jiddaha 14. May 2017 (SDN/QJ):- Dhakhtar ka hawlgala Cisbitaalka King Khalid ee ku yaalla Magaalada Xaa’il ee Dalkaasi Sucuudiga oo la yidhaa Khaalid Al-duwaala ayaa saddex Saacadood oo ka mid waqtigiisa u gaar yeelay inuu Dadka waaweyn ee aan awooda u lahayn inay tagaan Dhakhaatiirta uu ugu tago guryahooda isaga oo aan wax lacag ah ka qaadanayn.

Waxaanu dhakhtarku qaataa hal xabo oo biyo ah maalintii si uu cabo inta uu hawshaasi ku guda jiro, Dr Khaalid oo ka hadlaya sababta ku kaliftay inuu hawshaasi galo ayaa waxa uu yidhi “Waxaan tallaabadaasi qaaday markii aan arkay dad aad u badan oo Da’doodu weyn tahay oo aan awoodin inay yimaadaan  Dhakhtarada una baahan in goobtooda loogu tago ayaan go’aan ku gaadhay in anigu aan ugu tago goobahooda, si aan usoo eego xaaladooda Caafimaad iyo inay u baahan yihiin Dawooyin iyo in kale, arrintaasina waxa lacag ah kuma qaato, laakiin haddii qofka aan dawaynayaa uu xabad biyo ah ii awoodo ayaan ka qaataa, haddii kalena waan iska daayaa, balse ugumaan talo galin in aan lacag ka qaato dadkaasi ee aniga ayaa go’aan ku gaadhay”.

Dr Khaalid ayaa qaaday tallaabo aanay hore u qaadin Dhakhaatiirta Dalkaasi Sucuudigu, taasoo noqonaysa mid muujinaysa baahida aadka u ballaadhan ee ay Dadka Da’da weyni u qabaan dhakhaatiir ugu taga goobaha ay dagan yihiin, maaddaama oo ay awoodi waayeen inay yimaadaan dhakhaatiirta.

Comments are closed