|

Kulan looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Muqdisho iyo Taliyaal kala duwan oo ka qeyb galay

Muqdisho 13. May 2017 (SDN/QJ):-Waxaa maanta xarunta gobolka Banaadir lagu qabtay kulan muhiim ah oo looga arinsanayay amniga iyo xasilinta Caasimada , xili maalmihii lasoo dhaafay faraha ka baxayay amaanka magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeyb galay kulankan Taliyaha ciidanka Milatariga Soomaaliya, Taliyaha booliiska qeybta gobolka Banaadir, Saraakiil katirsan ciidanka Nabad sugida iyo Milatariga, Taliyaal katirsan Ciidanka AMISOM iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir .

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray loogana hadlay sidii loo diyaarin lahaa qorshe dhameestiran oo lagu xaqiin karo amniga guud ee caasimada , waxaana saraakiisha kulanka ka qeyb galay soo jeediyeen talooyin dhoor ah.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiisha kulanka yeeshay ayaa isku raacay in la helo qorshe lagu xasilinayo amaanka caasimada oo ay kawada qeyb qaadanayaaan ciidanka kala duwan ee dowlada iyo kuwa AMISOM, waxaana loo balamay in kulamo kale la isugu yimaado.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan dambe u muuqday mid sii xumaanayay, waxaana magaalada kusoo kordhay dilalka qorsheesan iyo qaraxyada ay waxyeelada kasoo gaarto dadka shacabka ah.

Comments are closed