Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Horkacayay oo Muqdisho dib ugu soo laabtay
Muqdisho 13. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa saakay magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayay, kadib markii magaalada London uga soo qeyb galeen shir looga hadlayay arimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo Wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya oo isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo saraakiil ciidan.
Farmaajo ayaa sheegay in shirkii ka dhacay magaalada London ee looga hadlayay arimaha Soomaaliya uu kusoo dhamaaday guul , waxa uuna tilmaamay in dowladiisa ay ka shaqeeneyso dhisida ciidan qaran oo difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisa isku diyaarineyso sidii ay dagaal ula gali laheed kooxda Al Shabaab uu sheegay in qatar ku tahay amaanka, waxa uuna ka codsaday beesha Caalamka in cunaqabteynta hubka laga qaado.
Shirka ka dhacay magaalada London ee looga hadlayay arimaha Soomaaliya waxaa kasoo baxay qodobo badan oo muhiim u ah dowlada Soomaaliya, waxaasa la is weeediinayaa dhaqan gelinta qodobadaasi.