Boosaaso: Mudo Ku Siman 25 Sannadood oo uu Ku Shaqaysanayay Sixirka Waxaa Lagu Guulaystay in Gacanta lagu Soo Dhigo Isaga iyo Agabkii uu Dadka Ku Sixrayay
Boosaaso 10. May 2017 (SDN/QJ):- Ciidanka Booliska maamulka Puntland ayaa Magaalada Boosaaso ka soo qabtay nin muddo 25 sanno ku shaqaysanayay sixirka iyo nin kale oo kaaliye u ahaa, kaasoo magaaladda yimid sanadkii 1992dii.
Taliyaha Saldhiga bartamaha Boosaaso G/Sare Yuusuf Axmed ayaa sheegay in labada nin ay ka soo qabteen guri ku yaal mid ka mid ah xaafadaha magaaladda.
Booliska ayaa soo bandhigay allaabo kala duwan oo uu sheegay inay u adeegsan jireen sixirka, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Lafo Ari, Loox lagu dhajiyay Masaamiir, Caws, Baalka Xayawaanka loo yaqaan Caana-qubta, salool, buskud iyo waxyaabo kale oo la isku tidcay.
“Raggan waxaa soo qabtay ciidanka Booliska qaybta gobolka Bari saldhiga ayay keeneen, waa niman Saaxiriin ah oo dadka Sixri jiray, maadaama ay Saaxiriin yihiin baaris ayaa ku socota, waxaan uu wato Gurigiisa ayaa laga soo qaaday, dad badan ayeyna waxaan ku dhibaateeyeen’’ ayuu yiri taliyaha.
Ninkan saaxirka ah oo lagu magacaabayo Maxamed Cismaan Yuusuf, ayaa oo da’diisa lagu qiyaasay 50-sano, wuxuu sheegay inuu 25-sano rooxaan iyo mingis soo dajinayay, isagoo adeegsanaya Lafo Ari, Caws iyo allaabo kale.