|

Madaxweyne Farmaajo oo Taliyeyaasha Ugu Muhiimsan Ciidanka Xooga Dalka Somalia Ku Wada Taxay Hal Qabiil oo Somalida ah (Akhriso Xilalka iyo Magacyada)

Muqdisho 10. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa mudooyinkii dambe waday isbadalo lagu sameenayay taliyaasha Ciidanka dowlada , waxa uuna Madaxweynaha xil ka qaadis ku sameeyay Taliyaal hore halka uu magacacaabay Taliyaal cusub.

 

Marka si hoose loo fiiro Taliyaasha la magacaabay waxaa u badan hal qabiil oo katirsan Beel weynta Hawiye , waxaana beeshaasi la siiyay Mid kamid ah shanta Taliye ee ugu sareeya ciidanka dowlada iyo sidoo kale taliyaasha kala duwan ee gobolka Banaadir.

 

Beesha Habar Gidir ayaa nasiib u yeelatay in dowlada cusub ka hesho taliyaasha ugu badan ee ciidanka dowlada, iyadoo taasi jirto ayaa hadana waxaa sii kordhaya mucaaradnimada beeshaasi u muujineyso dowlada cusub iyada oo wali ku doodeysa in xaquuq badan ay ka maqan tahay.

Halkan ka Akhriso Magacyada Taliyaasha Ciidanka dowlada ee la siiyay Beesha Habar Gidir

 

1-Gen Maxamed Axmed Jimcaal (Carfiid) Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed Habar Gidir -Saruur

 

2-Jen. Axmed Xasan Maalin Taliyaha ciidanka booliiska Gobolka Banaadir Habar Gidir -Saruur

 

3-Saadaq Cumar Xasan Taliyaha cusub ee Nabad sugida Gobolka Banaadir :Habar Gidir-Saleemaan

 

4-Gen: Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) Taliyaha ciidanka Taraafikada Somalia :Habar Gidir Saleban

 

5- Gen: Maxamed Aadan Koofi Taliyaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia :Habar Gidir -Ceyr

 

6-Abdirahman xerow Madaxa Howl-galada Ciidamada Nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed :Habar Gidir -Ceyr

 

Waxaa sidoo kale xusid mudan in ay jiraan Saraakiil badan oo katirsan Nabad Sugida, Booliiska iyo Milatariga oo kasoo jeeda Beesha Habar Gidir in ay heestaan ayna maamulaan Hogaano kala duwan oo ciidankaasi katirsan gaar ahaan Ciidanka Nabad sugida iyo booliiska gobolka Banaadir .

 

Dad badan ayaa isweediinaya sababta keentay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha ay hal qabiil ugu aamineen sugitaanka amaanka loona siiyo inta badan taliyaashii ugu muhiimsanaa ciidanka dowlada.

Comments are closed