|

Afrika: Marka Qiimaha Shidaalku jabo Waxay Hoos u Dhigaan Miisaaniyada Millateriga

Addis Abbaba 10. May 2017 (SDN/QJ):- Ugu dambayntii waxaa hoos u dhac ku yimid kharashka ay dawladaha Afrikaanku u isticmaalayeen adeegyada milateriga sanadkii ina dhaafay ee 2016 ka dib arkii uu kharashkaasi kor u soo kordhayey mudadii tobanka sanadood ahayd ee u dambaysay, sida ay baahisay hay’adda la socota arimaha miisaaniyadaha dalalkacaalamku ku bixiyaan dhanka hubka iyo ciidamada ee global defense spending oo arintaa hoos u dhiga ku sababaysay qiimaha shidaalka oo jabay darteed.

‘Qiimo dhaca ku yimid sicirka shidaalka caalamku waxa uu saamayn adag ku yeeshay dalalka Afrikaanka qaarkood ha ugu sii darnaadaan K/Sudan iyo Angola, waana arin ay wada qabeen dalalka saliida cabba ee Gobolka ku yaallaa’ sidaa waxaa sheegay Mr Nan Tian,  oo ah baadhe ka tirsan mac-hadka caalamiga ah ee nabadda ee Magaalada Stochlom, una qaabilsan arimaha hubka iyo ciidamada iyo la socodka kharshiyaadka sanadlaha ah ee ay isticmaalaan.

Warbixintani waxay sheegaysaa in kharashkii Afrikaanku u isticmaali jireen dhanka millaterigu uu sanadkii 2016 hoos u dhacay qiyaas dhan 1.3%, tasoo totalka guud ee kharashkaa laga dhimay noqonayo $37.9 billion.

Hadaba iyadoo uu jiro hoos udhaca intaa le’eg ayaa hadana kharashka milateriga ee Qaaradda Afrika waxa uu weli 48% ka badan yahay intii uu ahaa toban sanadood ka hor, iyadoo dalalka yar ee ugu kharashka badnaa dhanka ciidamadu ay ahaayeen wadamada soo saara shidaalka, sidaa darteed hoos u dhac kasta oo ku yimaadda qiimaha shidaalku waxa uu keenayaa inay xukuumaduhuna dib u eegis ku sameeyaan miisaaniyadihii ay Millateriga ugu talo galeen

Wadamada sida aadka ah sanadihii la soo dhaafay milaterigooda u nafaqaynayey ee kharashka badani ku baxayey waxaa ka mid ahaa Dalka qaniga ku ah shidaalka ee Angola oo ku dadaalaysay inay casriyayso ciidamadeeda Badda iyo kuwa cirka, iyo sidoo kale Dalka Aljeeriya oo awoodda saartay inay iska badbaadiso mashaqada amnidarro ee ka taagan Gobolka waqooyiga Afrika sida Liibiya iyo Masar, hadana dhamaan dalalkaasi sanadkii tegay ee 2016 waxay sameeyeen hoos u dhig miisaaniyadoodii ciidamada ah.

Su’aasha keliya ee la is weydiin karo ayaa lagu sheegay inay tahay in kharashka lagu bixinayo dhanka ciidamada ee Qaaradda afrika uu yahay mid ku habboon iyo in kale, iyadoo kharshiyaadka ay milateriga u isticmaalaan uu 3% ka weyn yahay dakhliga wax soo saarkooda sanadlaha ah ee GDP loo yaqaano, waxaana ugu kharash badan milateriga Dalka Kongo, dalkaas oo oo kharashka Millaterigu 7% ka yahay wax soo saarka guud ee sanadlaha ah ee dalka iyo Dalka Aljeria oo iyaguna 6.7% wax soo saarkooda sanadlaha ah ku bixiya ciidamadooda.

Dunida oo dhan marka la isu geeyo miisaaniyadaha milaterigu waxay 2.2% ka noqonayaan wax soo saarka guud ee Adduunka ee sanadlaha ah GDP.

‘Afrikaan ahaan waxaynu haysanaa nabadgelyo, waxa inoo suurogal ah inaynu dhino kharashka Milateriga waayo waxaynu nahay qaarad dhaqaale ahaan soo koraysa’ sidaa waxaa mar kale yidhi Mr Tian

Tusaale ahaan Dalka botuswana miisaaniyadiisa waxaa la kordhiyey 40% waxayna gaadhaysaa US 150 Million, waana dalka haysta rikoodhka nabadgelyada Qaaradda afrika ee aan marna colaadi dibada iyo gudaha midna kaga iman, waxaana ka socda mashaariic lagu horumarinayo millateriga.

Dalka nigeria ayaa sidoo kale miisaaniyada ciidamadiisa kor loo qaaday qiyaas dhan 1.2%, waxana totlkeedu gaadhayaa US $ 1.7 Billion, halka sidoo kalena sanadihii la soo dhaafay la kordhiyey kharshiyaadka millateri ee dalalka Kenya iyo mali. waana sadex wadan oo ay colaado kaga imanayaan kooxaha asal raaca ah.

Waxaa Qoray Salem Solomon Waxaana Soo Koobay Hussein kurdi.

Comments are closed