Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland oo Xisbiyada Mucaaridka u Soo Jeediyey inay Ka Baxaan Baqo Ka Warwarka ka haya Dib u Dhac ku Yimaada Doorashooyinka & Dhaqaalaheedii oo la Hayo DAAWO
Hargaysa 09. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Mudane Maxamud Xaashi Cabdi ayaa Ka Fal Celiyey Werwer ay qabaan Xisbiyada Mucaaridka gaar ahaan Xisbiga Waddani Kaas oo Ku saabsan in Doorashada Madaxtooyo ee Ku Mudaysan 13 Bisha November 2017 ay Xiligii loogu talo galay ku dhici weydo.
Wasiir Maxamud Xaashi Cabdi Waxa uu Sheegay in Doorashadu aanay Wakhtigeeda dhaafayn iyadoo ay Maamulka Doorashada Leeyihiin Sida uu Xusay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Sidoo Kale Wasiir Maxamud Xaashi waxa uu intaas ku daray inay balanqaadayaan in Doorashadu aanay u baaqan doonin Lacag la’aan.