Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Maanta Kormeer Ku Maray Goobo Muhiim ah oo Ku Yaala Magaaladda Burco & Wadciga Nolosha Bulshada oo Meel Halis ah Maraya SAWIRO
Burco 08. May 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Maanta Booqasho ku tagay Goobo muhiima oo ku yaal Magaalada Burco, kalana ahaa Suuqa, Sayladda Xoolaha, Xarunta Halkaraan iyo Xarunta Warbaahinta ka hawl-gasha Magaalada Burco .
Gudoomiyaha iyo waftigiisa ayaa saaka subaxnimadii waxaa ay booqasho kadis ah ku tageen Suuqa ganacsi Ee Magaalada Burco, iyadoo uu halkaas-na ay kala kulmeen soo dhawayn diiran, waxaanu Gudoomiyuhu u kuur-galay Xaaladda dhabta ay ku suganyihiin bulshada ku ganacsata Suuqaasi, maadaama uu jiro sicir-barar saameen taban ku yeeshay nolosha bulshada .
Bulshada ayaa si isku mid ah dareenkooda uga cabbiray Sixir-bararka iyo saameenta taban ee uu noloshoodi iyo ganacsigoodiba ku yeeshay, waxaanay cod-dheer ku sheegeen in ay u baahanyihiin xal rasmi ah oo lagu furdaamiyo Sixir bararka .
Intaasi ka dib Gudoomiyuhu waxaa uu uga gudbay Sayladda Xoolaha Ee Burco, iyadoo halkaas-na uu kala kulmay Soo dhawayn aad u balaadhan, iyadoo markii danbena Gudoomiyuhu uu xaal-waraystay Bulshadii ku sugnayd Sayladda, waxaanay u sheegeen in Xoolihii Dhamaaday, isla markaana ta baddalkeeda Xoolihii baladiga ahaa uu yahay kan hadda lagu iibinayo Sayladda, sidoo kale waxay tilmaameen in Qiimihii Xooluhu uu sare u kacay, sixir-bararka jira awgeed, qiima-dhac-na ku yimid Shilinkii Somaliland .
Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa intaasi ka dib wuxuu booqday Xarunta Akhris-ka Iyo Qoraalka Halkaraan Ee Burco, waxaanu halkaasi ku soo dhaweeyay Masuuliyiinta Ururkaasi Halkaraan .
Gudoomiyaha Ururka Halkaraan Ee Burco Mustafe Teacher oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay xaruntan ku soo dhawaynayaan Gudoomiyaha iyo Waftigiisa, waxaanu xusay in Gudoomiye Faysal yahay Gudoomiyihii kowaad ee soo booqda Xaruntan, sidoo kale waxaa uu milicsaday Taarikhdii la furay Xaruntan oo ahayd 2009, isagoo sheegay in Gudoomiye Faysal Door Muhiima ku lahaa yagleelidii Xaruntan .
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Xaruntan ay ka faa’idaystaan Dhalinyarada Magaalada Burco, waxaanu sheegay in buugaagta ku qoran af-soomaaligii ay ku yar-yihiin Xaruntan, isla markaana ay u baahanyihiin in wax lagala qabto horumarinta Xaruntan .
Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa aad ugu amaanay dhalinyaradaasi dadaalka ay sameeyeen, waxaanu u ballan-qaaday in uu kala shaqayn doono horumarka Xaruntan .
Ugu danbayn Gudoomiyaha ahna Murasahxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxaa uu booqashadiisi Saaka uu ku soo af-meeray Xarunta Warbaahinta ka hawl-gasha Burco ee Tog-dheer Media Center, Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxda iyo suxufiyiinta Xaruntaasi .
Gudoomiyaha Xaruntaasi Siciid Saleebaan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin Booqashada Gudoomiye Faysal CaliWarabe, Waxaanu sheegay in uu yahay Gudoomiyihii ugu horeeyay ee soo booqda Xaruntoodan .
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo halkasi ka hadlay ayaa uga mahad-naqya sida ay xaruntan ugu soo dhaweeyeen, waxaanu ugu baaqay in ay dadaalkooda halka ka sii wadaan, isagoo u soo jeediyay in ay dhawraan Danta guud ee qaranka, bulshadana ay si hufan ugu shaqeeyaan .
Booqasahda Gudoomiyahu intay ay socotay, waxaa xusid mudan in dhamaan goobihii uu maray Gudoomiyuhu uu kala kulmayay soo dhawaymo heer-sare ah, bulshadii kala duwanayd ee gudoomiyuhu booqdayna ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahayd “ Guulayso Gudoomiye ” .
Booqashada Gudoomiyaha oo ay ku wehelinayeen Saraakiil Sare oo ka tirsan Xisbiga UCID, ayaa ku soo dhamaaday Jawwi Degen .