“Xukuumadani waxay Ku Xad Gudubtay Xuquqdii Bini Aadantimada” Xisbiga Waddani ee G.Togdheer oo Canbaareyey Falkii Hogamiye Xirsi ay Xukuumadu Kula Kacday DAAWO
Hargaysa 09. May 2017 (SDN/QJ):- Kadib Markii U Shuban Biyood Ka Dilaacay Gobolka Saraar Iyo Gobolo Kamid Ah Bariga Somaliland, Ayaa Waxaa Deeq Mucaawino U Qaaday Hogamiyaha Xisbiga Mucaradka Ah Ee Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Iyadoo Deeqdaasi Laga Hor Isaagay In U Gaadhsiyo Dadkaasi U Xanuunka Shuban Biyoodku Helay.
Waxana arintaasi dhaleeceyey Masuuliyiinta xisbiga mucaradka ah ee waddani ee gobolka togdheer, kuwaasi oo ku tilmaamay falkaasi mid ka baxsan xaalada bani aadminimo.
Waxaana ugu horayntii halkaasi ka hadlay Masuliyiinta xisbiga mucaradka ah ee wadani oo ay kamid ahayeen Gudomiyaha Xisbiga wadani ee gobolka togdheer xusen kaahin xayd, iyo badiba masuliyiinta kala duwan ee xisbigaasi.