Sheekh Aadan Sunne Oo Si Adag Uga Hadley Hablo Dhallinyarro Reer Somaliland Ah Oo Loo Gacan Geliyey Rag Ajaanib Ah DAAWO
Hargaysa 09. May 2017 (SDN/QJ):- Iyada dhawaan ay xukuumadda Somaliland ay u gacan gelisey hablo reer Somaliland oo magaalada Hargeysa loo keeney dhaqan celis dad ajaanib ah oo gaalo ah.
Sheekh Aadan Sunne oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland ayaa waxaa uu si adag uga hadlay isla-markaana Tallaabo Qaranka Ceeb ku ah ku tilmaamay in Xukuumadda Somaliland ay Dalalka Qaaradda Yurub dib ugu celiso Hablo yaryar oo Waalidiintoodu Hargeysa u keeneen inay bartaan Diinta iyo Dhaqanka wanaagsan ee Islaamka.
Xukuumadda Somaliland, ayaa Toddobaadkii hore Dugsi Waxbarasho oo Hargeysa ku yaalla kala baxday Hablo Da’doodu u dhaxeyso 15 illaa 20 Sano jir, kuwaasi oo markii hore Waalidkoodu Dalka u keeneen Dhaqan-celis ahaan, ka dib markii sida la sheegay mid ka mid ah Hablahaasi oo Goobta ka baxsatay ay Internet-ka ku gaadhsiisay Dalkii ay dhalashadiisa haysatay Farriimo ah in lagu dhibaateeyo Goob Waxbarasho oo ku taalla Hargeysa, taasina sababtay Faro-gelin Dibadeed oo Xukuumadda Somaliland ku riixday inay Hablaha kala baxdo halkaasi isla-markaana qaarkood dib ugu celiso Dalalkii markii hore Waalidkoodu ka soo kaxeeyay.
Sheekh Aadan Sunne ayaa ku tilmaamey dhacadadan ayaan darro,mid aad u fool xun.