|

“Waxa la wada arkayaa in Dad ka mid ah Qaranka ay ku Takrifalaan Hantida Ummadda..” Guddiga Dabagalka ee Golaha Wakiillada DAAWO

Hargaysa 08. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Guddiga daba-galka Hantidada Qaranka iyo ilaalinta Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, ayaa sheegay in la aammisan yahay oo la wada arkayo in Dad gaar ah oo Dawladda gaar ahaan Xukuumadda ka tirsani ku takrifalaan Hantida Qaranka (Musuqmaasuq sameeyaan).

Waxa uu Naasir Xaaji Cali Shire ka warramay kulan ay la yeesheen Xisaabiyaha guud ee Qaranka oo ay kaga waraysteen arrimo la xidhiidha Musuqmaasuqa, ilaalinta Hantida Ummadda xilligan kala guurka ah iyo dhibaatooyinka Sicir-bararka la xidhiidha, sida uu sheegay.

Comments are closed