Doorashadii Maanta Ka Dhacday Faransiiska oo Afka Ciida Loo Daray Haweenaydii Ka Sharaxnayd Xisbiga Midigta Fog & 39 Jir Noqday Madaxweynihii Ugu Da’da Yaraa ee Faransiiska
Paris 07. May 2017 (SDN/QJ):-Wararka ka soo Baxaya Waddanka Faransiiska ayaa Sheegaya in Doorashadii Maanta ka dhacday Dalkaasi uu ku guulaystay musharaxihii dhexdhexaadka ee Emmanuel Macron, isagoo ka Guulaystay Haweenaydii Xisbiga Midigta Fog ka Sharaxnayd ee Marine Le Pen.
Murashax Macron ayaa ku guulaystay 65% Codadkii la Bixiyey halka Marine Le Pen ay heshay 35% Codadkii la bixiyey.
Emmanuel Macron Waa madaxweynihii ugu da’da yaraa ee madaxweyne ka noqda Faransiiska, waxa uu jiraa 39 sanno
Waxa markiiba Hambalyeeyey Guusha uu doorashada ka gaadhay Emmanuel Macron madaxda Faransiiska iyo Raysal wasaraaha Jarmalka.
Haweenayda Lagaga Guulaystay Tartankan Marine Le Pen ayaa dhankeeda Hambalyo u dirtay Madaxweynaha Cusub ee Waddanka Faransiiska oo ay u rajaysay inuu Hore u socdo kana dhabeeyo balanqaadyadiisii.
39 jirkan ayaa hore u soo noqday wasiirka dhaqaalaha Faransiiska, Qaar ka mid ah Madaxda Waddamada Yurub ayaa Waxaa Ka Go’day falaadh adag oo ku taagnayd taas oo la xidhiidhay cabsi ay ka qabeen inay guushu raacdo Haweenaayda Marine Le Pen oo ka soo horjeeday inuu Faransiisku ku sii jiro Midowga Yurub
Doorashadan ayaa ahayd mid si weyn loogu tartamayay, iyadoo afkaarta labada musharrax ay isweyn u kala duwanaayeen.
Waxa suuqyada caasimada Faransiisk ee Paris isugu soo baxay kumanaan ka mid ah taageerayaasha Macron oo ku dabaaldegaya suuqyadaasi Maadaama uu Guulaystay Murashaxii ay u Codeeyeen oo Noqday Madaxweynaha Cusub ee Faransiiska.
Dhinaca Kale Haweenaydan Laga Guulaystay Marine Le Pen oo Maanta dooneeysay in ay codkeeda dhiibato ka dibna qudbad jeediso ayaa waxaa Beedka Digaaga amase Ukumo la dhacay dad shacab ah oo aad u cadhaysan kuwaas oo ku eedeeyay inay dab ku sii shideyso dhibaatada ka taagan gudaha dalka Faransiiska .
Goobtii codadka doorashada ka socotay ayaa mar qudha lagu kala cararay maadaama Beedka Digaaga Lagu Shiidayay Madaxda Xisbiga ay ka Tirsanayd ee ay Tartanka Ku Hogaaminaysay.