Dedaallada Dhakhaatiir & Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka Kaga Hor-tagayaan Macaluul Ka Dhacda Somaliland
Hargaysa 08. May 2017 (SDN/QJ):- Dhakhaatiirta Somaliland ayaa dedaal badan ugu jira inay bedbaadiyaan kumanaan carruur ah oo xaalado nafaqo-daro ay keentay saamaynta abaarahu ka jira Wadammo Somaliland ka mid tahay keeneen.
Sida lagu baahiyey barnaamij telefishanka ABC, qeybtiisa idaacaddu shalay ayaa lagu sheegay in Carruurta wadammada Koonfurta Sudan, Somaliland, Soomaaliya, Yemen iyo Nayjeeriya halis ugu jiraan macaluul.
Ms Carolyn Miles, haweenayda ugu saraysa hay’adda Save The Children ee Maraykanka ayaa sheegtay in dad gaadhaya 20 milyan halis ugu jiraan macaluul, guud ahaan wadamada, taasoo 10 Milyan yihiin carruur, ka yar 18 jir.
David Muir, oo ah weriye ka tirsan Telefishanka ABC News iyo koox la socotay oo dhowaan socdaal ku tegay miyiga Somaliland, dalkan aan weli ictiraaf caalami helin, ayey bulshada goobahaasi u sheegeen inaanu roob helin saddexdii sannadood u dambeeyey.
Cusbitaalka Guud ee Burco, qeybtiisa Nafaqeynta carruurta ayey weriye Muir iyo kooxdiisu kula kulmeen Dr. Yuusuf Cali.
Dalku waxuu halis ugu jiraa macaluul ka dhacda, ayuu yidhi Dr. Cali.
“Waxa jira halis in macaluul ka dhacdo dalka, waa dareenka aan qabo, iyo sida xaaladahu u muuqdaan, waxaana markhaati u ah bukaanada carruurta ee cusbitaalka la keeno..” ayuu u sheegay Dr. Cali telefishanka ABC.
Hay’adaha caalamiga fadhiyadooda ayaa sheegaya in xaalad halis bani’aadminimo oo daran iman karto.
Cusbitaalka, kalkaaliso joogta ayaa u sheegtay Mr. Muir, in gabadhan oo Xamda la yidhaahdo xaaladeedu liidato, waxaana looga baqayey inay dhimanayso markii cusbitaalka la keenay, balse weli xaaladeedu waa caadi.
Dr. Jaamac Maxamed Axmed ayaa u sheegay Muir, in carruur sida Xamda maalin walba soo maraan.
“Badankoodu waxay u geeriyoodaan sababo la xidhiidha fuuq-bax..” ayuu Axmed sheegay.
Balse weli, dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinka Somaliland waxay dedaal ugu jiraan bedbaadinta bukaanadooda, wallow, xaaladahu sii xumaan karaan.
Hay’adda Save The Children ee Maraykanka, oo qeyb ka ahayd imaatinka kooxdan ka socotay Telefishanka ABC ee Maraykanka, si dhibaatada ka taagan halka loo gaadhsiiyo caalamka si loo helo qaadhaan waxa lagaga qabto ayaa ku baahiyey barahooda baaqyo ay ka mid ahaayeen:
$10: Waxay taageeri karaan daaweynta ilmo nafaqo-daro haysato muddo laba toddobaad ah oo la siinayo (laba xidhmo lawska nafaqaysan maalin walba).
$15: Waxay caawin kartaa daaweynta ilmo nafaqo-daro hayso muddo saddex toddobaad ah.
Hay’adda Save The Children oo ka mid ah hay’adaha sida weyn uga qeyb-qaata gargaarka dadka abaarahu saameeyeen ee waddammo Somaliland ku jirto ayaa la sheegay in barnaamijkii telefishanka ABC baahiyey qaadhaan gaadhaya ilaa siddeed boqol oo kun dollar loogu yaboohay, maalmahii u horeeyey daawashadiisa dalka Maraykanka.