|

Dhammaadka Qorshaha Labaad Ee Horumarinta Qaranka Somaliland Oo Shalay La Shaaciyey

Hargaysa 08. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta JSL Md. Maxamed Ibraahim Aaden (Qabo), ayaa furay shir lagu shaacinayey dhammaadka qorshaha labaad ee horumarinta qaranka oo ka qabsoomay Hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa Shalay.

Shirkan waxa ka soo qayb galay Wasiirro, Agaasimayaal, Mareeyayaal iyo xubno ka kala socday Wasaaradaha iyo hay’adaha kala shaqeeya Wasaaradda Qorsheynta diyaarinta qorshaha labaad ee horumarinta Qaranka.

Furitaankii kulankan ayuu Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta JSL Mudane Maxamed Ibraahim Aaden (Qabyo-tire) waxa uu dareen farxad leh kaga fal-celiyey dhammaadka qorshaha labaad ee horumaritna qaranka waxaanu yidhi “Maanta runtii waa inoo guul, waana inoo farxad maadama qorshihii labaad ee shanta sano ee qaranku uu dhammaad yahay kaasoo aynu soo wadnay ilaa 11kii bilood ee aynu soo dhaafnay oo ay ka soo  shaqeeyeen hawlwadeenadda Wasaaraddu, Jarran jarooyin badan ayuu soo maray aad iyo aad ayaanu idinku ammaanaynaa wasaaraddaha ka qayb qaatay waliba qollooyinka sida aadka ah noogala shaqaynayey”.

Wasiirka Qorshayntu isagoo faahfaahin ka bixinaya aragtida fog ee higsiga horumarinta dalka waxa uu sheegay “Qorshaha horumarinta ee Qaranku jarranjarooyinkaa aynu ka sheekaynay ayuu soo maray marka hore waxaynu lahayn aragtida fog ee ilaa 2030-ka shan rukun ayuu ahaa shantaa rukuna waxa ka farcamayey 9 qaybood, waxaan filayaa intiina badani inaad ka warhaysaan koley faalooyina waad ka soo bixiseen imikana waynu isla eegi doona, laakiin maanta waxa uu noqonayaa kii ugu danbeeyey ee aynu isla eegno oo aynu go’aansano inaynu sidii ku sii dayno dayno wax badana waa laga filayaa, caalamkuna wuu inaga sugayaa”.

Wasiir Qabyo tire waxa uu dawladda ingiriiska ugu mahadnaqey horseedka deeq maaliyadeed oo ay ku caawinayso wajiga labaad ee Mashaariicda laga maalgaliyo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF2  “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay dawladda Ingiriiska oo iyadu deeqdii ugu horreysay ee SDF2 gacan ka geystay imika baarlamaankana ka ansixisay, $25milyan ee ugu horreeyey waxa inoogu deeqay Ingiriiska (DIFID) waxaan filayaa mar haddii Ingiriiskii gacanta taagay way ku daba jirayaan qollooyinkii kale ee hore inooga caawin jiray ee ay ka mid yihiin Denmarka, Norway, Holland.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay toddobaadkan booqan doonaa Nairobi halkaasina ay ugu soo bandhigi doonaan qaadhaan-bixiyayaasha iyo waddamada kale ee Somaliland ka taageera dhinaca horumarinta.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna dhicaciisa tilmaamay  in door laxaadle ay ka qaadan karaan (private sector) ama ganacsiga gaarka loo leeyahay hirgalinta qorshahan labaad ee horumarinta qaranka, isagoo usoo jeediyey inay hantidooda galiyaan meelaha wax tarka u leh sida Wershadaha, Beeraha iyo Xoolaha, kuwaasoo ayuu yidhi shaqo abuurna samayn kara.

Wasiirka kalluumaysiga Cali Jaamac Faarax (Buureed) ayaa isaguna sheegay in ujeedada loo sameeyo qorshayaasha horumarinta ay tahay in la ogaado halka aad wax ka bilawday iyo halka aad gaadhay

Furitaankii kulankan waxa warbixin dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyey Madaxa waaxda qorshaynta ee Wasaaradda Qorshaynta Mubaarik Cabdillaahi (Daljir).

Qaybihii danbe ee kulanka ayey  soo qaygalayaashu waxay isku weydaarsadeen fikrado iyo soo jeedin la xidhiidha dhameystirka qorshahan.

Comments are closed