Hanti Dhawraha Somalia oo Xoriyadiisii Dib u Helay & Huteel Muqdisho Ku Yaala oo Amnigiisa Lagu Sugayo
Muqdisho 08. May 2017 (SDN/QJ):- Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Hanti Dhowrihii Qaranka Soomaaliya Dr Nuur Faarax Jimcaale uu dib u helay xuriyadiisa kadib markii labo maalin kahor lagu amray in uusan Madaxtooyada ka bixi karin uuna ku jiro xabsi guri.
Dr Nuur Faarax Hanti Dhowrihii Qaranka ayaa dadaalo badan kadib lagu guuleestay in laga sii daayo xabsi guri uu ku jiray, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in hada la dejiyay Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.
Hanti Dhowraha Qaranka ayaa wali ku doodaya in aan xilka laga qaadin, waxa uuna sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu fasax ku maqan yihiin markii ay soo laabtaana arintiisa ay xal ka gaari doonaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Hanti Dhowraha Qaranka kadib markii ciidamo katirsan ilaaladiisa magaalada Muqdisho ku dileen Wasiirkii howlaha guud iyo Dib u dhiska Xukuumada Soomaaliya Cabaas Sheekh Siraaji.