|

Haweenay Ka Baxsatay Dalkeeda Oo Noqotay Shakhsiyad Caan Ka ah Dunnida!

K.Waqooyi 08. May 2017 (SDN/QJ):- Dalka Kuuriyada waqooyi waxa uu ku yaallaa jasiirada Kuuriya ee dhacda bariga Qaarada Asia, waxaana arrin aad u layaab badan ah in aynu maqalno gabadh aan waxba geysan oo ka soo carrartay Caddaadiska iyo dhibaatooyinka ay Madaxda Dalkaasi shacabkooda ku hayaan, taasi oo ay caddaysay markii dalkeeda ka baxsatay gabadh magaceeda la yidhaahdo Haonso Lii oo noqotay qofkii ugu caansanaa ee ka soo baxsaday Dalkaasi.

Gabadhan Da’deedu waa 37 jir waxaanay sheegtay inay ka soo carrartay dhibaatada iyo Caddaadiska madaxda Dalkaasi ku hayaan shacabkooda oo ay sheegtay in Dawladda K.waqooyi tahay Dawladda ugu Diktaatoorisan Dunida, waxa kale oo ay sheegtay inuu tahay Nidaam ku tiirsan kuna dhisan in shacabka Caddaadis la saaro, waxaanay arrimahaasi oo dhan ku soo bandhigtay Wareysi ay siisay Fox News oo Wargeyka Himilo idiin soo tarjumay.

Gabadhani waxa kale oo ay sheegtay inay dhawaan soo bandhigi doonto Buug ay ugu magac dartay “The Girl With 7 Names” oo ay kaga warrami doonto sida Nidaamka ka taliya Dalkaasi uu Shacabkii ugu dhigay Addoomo, iyo sidoo kale dhacdooyin dhab ah oo ay u soo taagneyd oo ay ka mid aheyd Meydadka dad la laayay oo si toos ah wabiga loogu riday.

Gabadhani waxay ka soo baxday Dalkaasi sanadkii 1997kii iyada oo aad u Da’yar xilligaasi waxa aanay tidhi “Waxaan filayay markii aan aadka u yaraa in Dalkaygu uu yahay ka Dunida ugu wanaagsan, laakiin markii aan caqliyaystay waxaan dareemay inay Dadka oo dhan addoomo yihiin”.

Comments are closed