|

Askari Meydiisa La Helay 50 Sano Kadib !

Qaahira 08. May 2017 (SDN/QJ):- Askari ka tirsanaa ciidammada Dalkaasi Masar kana soo jeeday Tuulada Al-tawfiiqiya ee Gobolka Fayoum oo la odhan jiray Cabdilxamiid Daaha Cabdilxamiid ayaa waxay Waalidkiisa iyo qoyska uu ka soo jeedaa sugayeen inuu dib ugu soo noqdo muddo 50 sanadood ah kadib markii sanadkii 1967kii looga yeedhay taliska Ciidammada Dalka Masar.

Meydka askarigan ayaa la helay maalintii isniintii ee toddobaadkii hore kadib markii uu nin gaadhi weyn oo kuwa Xamuulka ah wattaa uu arkay Lafihiisii, dirawalkaasi oo  ka shaqaynayay mid ka mid ah waddooyinka haatan laga hir galinayay badhtamaha gobolkaasi Siinaa, Meydka askarigan ayaa laga ag helay saddex xabo oo Rasaas ah iyo 35 Qarshi oo lacagta Masar ah iyo kaadhkiisii Dhalashada iyo sidoo kale Warqadii ay taliska ciidammada ee Dalkaasi ugu yeedheen sanadkii 1967kii.

Waalidka dhalay Askarigan waxay muddadaasi oo dhan ba ku noolaayeen rejo ah inuu gacanta u galay Ciidanka Israa’iil, maadaama oo xilligaasi ay dagaalo socdeen ama inuu galay Dalka Jordan, Hooyada Dhashay Cabdilxamiid iyo walaalkii ayaa waxay ku waayeen lacag aad u badan sidii ay xog dhab ah uga heli lahaayeen xaaladda uu ku sugan yahay wiilkoodu, waxaanay dadka lacagta ka cunay had iyo jeer ku odhan jireen waa uu nool yahay, balse nasiib darro hooyadii dhashay waxay geeriyootay markii la waayay shan sano kadib walaalkiisii ka yaraanaa waxa uu dhintay 46 sano kadib isaga oo aan helin xaqiiqada xaaladda uu Cabdilxamiid.

Haddaba, gabadha la yidhaa Najaax Cabdilsamiic oo ah askarigan inaadeertii isla markaana uu qabay walaalkii oo la odhan jiray Xasan oo geeriyooday afar sano ka hor ayaa nasiib u heshay inay xogtii dhabta ahayd hesho waxaanay tidhi “Maanta ayaan xaqiiqada dhabta ah ogaaday oo ah in inaadeerkay uu dhintay oo uu shahiiday, laakiin aanu aaminsanayn inuu nool yahay”.

Comments are closed