Al-Shabaab Oo Soo Bandhigay Qalab Ay Ka Tageen Ciidamadii Maraykanka ee La Dagaalamay SAWIRO
Muqdisho 07. May 2017 (SDN/QJ):- Al-Shabaab ayaa baraha internetka ee taageera ku soo bandhigay jir dad iyo qalab yar yar oo ay ka tageen ciidamadi Maraykanka ee shalay waaberigii weeraray degaanka Daarusalaam ee gobolka Sh/hoose.
Ciidamada Maraykanka iyo kuwa kumandoska Soomaalida oo watay dayuuradaha helicobterka ah ee loo yaqaano Black Howk ayaa weeraray farisimo Al-shabaab ku leeyihiin degaanka Daresalaam.
Saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegaya in ciidankoodu xabad kala hortageen markii ay ciidamada Maraykanka ku dageen barxada deganka Daareslaam ka hor inta aysan bilaabin weerarkooda ayna khasaare culus u geysteen.
Baraha Al-shabaab ayaa baahiyey sawiro laga soo qaaday goobtii ay ku dageen dayuuradaha Maraykanka iyo dhiig iyo lafo dad oo halkaas ka muuqday.
Qalabka yar yar ee ay halkaas uga tageen ciidamadii Maraykanka ayaa waxaa ka md ah sida Aaladda GBS-ka loo yaqaan, qalab caafimaad oo loo adeegsado gargaarka deg deg ah iyo iyo waxyaabo kale oo ay isticmalayeen Ciidamada Maraykanka.
Waxyaabaha ay soo bandhigeen waxaa kale oo ka mid ah lafo ay sheegeen Shabaabku iney yihiin daanka hoose ee askari ka tirsanaa ciidamada Maraykan.
Saraakiisha Pentagonka Maraykanka ayaa sheegay in hal askari u kaga dhintay howl ciidamada Maraykanka ay ka fuliyeen meel 60 km u jirta caasimada Somalia, iyagoo taageeraya ciidamada dowlada Somalia oo weeraray fariisin ay joogeen xoogaga Al-shabaab.