|

Xogwaran uu Bixiyey Xildhibaan Mubaarik Bidhi oo Ku Taliyey in La Kala Diro Golayaasha Deegaanka,Kana Warbixiyey Waxqabad uu ka Geystay arrimaha Khayriga ah

Hargaysa 07. May 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Degaanka ee Degmada Burco, xarunta Gobolka Togdheer, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland inuu maayirro iyo ku-xigeenno u magacaabo magaalooyinka waaweyn ee dalka Marka la gaadho Dhamaadka Mudo Xiloodkooda.

Md. Mubaarik Bidhi waxa uu sidaa ku sheegay wareysi uu Siiyey Barnaamijka Baro oo Ku dayo Muwaadinkaaga Ku dayashada Mudan ee uu Soo agaasimo Aqoon yahan Rashiid Sulub Caalin.

Xildhibaan Waxa uu Barnaamijkan Kaga Warbixiyey taariikh nololeedkiisii iyo inuu ahaa dhallinyaradii ku biirtay halgankii dib u xoraynta dalka ee SNM horseedka ka ahayd oo uu ka raacday 27-kii May 1988-kii maalintii ay Burco soo galeen oo uu ahaa ninkii calankii SNM ka taagay magaaladaas,Waxaa kale oo uu Xusay inuu ku dhashay Ku barbaraaray isla markaana wax ku bartay Magaaladda Burco ee uu Maanta ka yahay Xildhibaanka.

Waxa kaloo xildhibaan Mubaarik Bidhi uu ka hadlay xaaladda nololeed ee carruurta derbi-jiifka ah ee magaalada Burco oo uu u kireeyey hoy lagu xannaaneeyo, “Dalka markii aan imi waxaan magaalada Burco  ka hirgaliyey xarun lagu xannaaneeyo carruurta, waxaanan uga kireeyey gurigaas, qalabeyntiisana waxa qayb muhiima ka qaatay dadka qurbo-joogta ah, oo Dhaqaale Iska soo Uruuriyey,waxaanuna ku bilowney 27 carruur darbi-jiifa, waxana ilaa hadda gacanta ku haysa xukuumadda Somaliland, carruurta imminka deganna waa ilaa  iyo dhawr iyo sodon qof, haddana waxa aannu  wadnaa sidii aannu qalab dhinaca farsamada gacanta ah uga soo kordhin lahayn goobta ay deggan yihiin, si wax loogu baro, maalmaha Khamiista iyo Jimcahana waannu fasaxnaa, ciddii aan waalid laheyna annaga ayaa cid ku darna ay la noolaadaan oo korisa,”ayuu yidhi Xildhibaanku waxaanu aad ugu mahadceliyay Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde oo uu xusay inay gacan weyn siiso xaruntan. Waxa kaloo uu ammaanay kaalinteeda dhinaca samofalka ee ay xaruntan ku leedahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan.

“Waxaan u helay darb-ijiifkii markii aan dalka dib ugu soo laabtay sannadkii 2010-2011-kii in aannu soo ururinno oo gurigaasi isugu keenno, qalabkooda iyo wixii hu’ u ahna loogu diyaariyo, duruufo badan ayaana naga horyimi intii aannu wadnay hawshaas, waayo sagaal jirka iyo 13 jirka oo kale meel leysuguma keeni karo, markaa goobta inta timaad iyo inta deggani waa ay is le’eg yihiin, waanuna  diiwaangalinay, sidaas ayaanuna ku wadnaa, noloshaa adag ee ay ka soo baxeenna si aanay dib ugu noqonna waxaannu barnaa oo kow ka ah qur’aanka kariimka iyo waliba waxyaabaha kale ee aasaaska iyo udub-dhexaadka u ah waxbarashada iyo aqoonta qofka,” ayuu yidhi xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi).

Xogwarankan uu Bixiyey Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi Waxa kale oo uu u Soo Jeediyey Madaxweyne Siilaanyo in Marka la gaadho dhamaadka Mudo Xileedkii la soo doortay oo kaga dhan bisha November ee Sannadkan in goleyaasha Deegaanka lagu bedelo Maayar iyo Ku Xigeen uu Madaxweynuhu soo magacaabo isla markaana dhaqaalihii ku baxayay xubnaha golayaasha deegaanka loo geliyo dalka waxaanu yidhi

“Hadda waxa ka hadhay muddo-xileedkayagii nala doortay wax yar oo November 2017 ayey dhammaanaysaa, aniguna shaqsiyan ma jecli inaan maalin ku darsado, madaxweynahana waxaan u soo jeedin lahaa marka muddo-xileedku naga dhammaado iyadoo dastuurku dhigayo in gole degaan uu beddeli karo gole degaan, haddana in iyada oo la eegayo duruufaha iyo abaaraha waddanka ka jira in laga soo saaro maayirro iyo maayir-ku-xigeenno madaxweynuhu soo doorto, si dhaqaalaha iyo mushaharka ay qaadanayaan goleyaasha degaanku  waddanka u galo, waxaanan jecelahay in kursiga aan fadhiyo maanta cid kale fadhiisato oo leygu beddelo, haddii aan ka tago xildhibaannimadana anigu dadkeyga sidii uun baan ugu shaqeynayaa,” ayuu yidhi Mubaarig Yuusuf Cilmi.

Xildhibaan Mubaarik Bidhi waxaa kale oo uu ka hadlay Iskuulka Dhagoolayaasha ee Magaaladda Burco waxaanu xusay in Sannadkii 2012kii uu Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Cabdoo Axmed Ayar isu raaceen si ay u soo eegaan qol yar oo ay wax ku baranayeen arday Maqalka naafo ka ah isla markaana uu Badhasaabkii Xiligaas Cabdoo aayar uu ka qiirooday Waxaanu Magacaabay Gudi uu Xildhibaanku ku Jiro iyadoo ay baaqii u horeeyay ee ay Sameeyeen ay ka soo jawaabeen hay’ada UNDP Isla markaana ay u dhiseen Dugsi weyn Waxaanu intaas ku daray in Sidoo kale uu Xubin ka ahaa Gudi u hawlgashay Samaynta Dugsiga Indhoolayaasha taas oo uu Fikradeedda lahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Togdheer ahna Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Maxamed Ibraahin Aadan Qabyo tire.

Xildhibaan Bidhi Waxaa Kale oo uu Xogwarankiisan Ku faahfaahiyey Kaalin uu ka soo qaatay Horumarinta Ciyaaraha Somaliland Iyo qalabyo kala duwan oo uu Somaliland soo gaadhsiiyey Kuwaas oo dhiirigelin u ahaa dhallinyaradda jecel Xirfadaha Ciyaaraha Isagoo intaas ku daray inuu Mudo dheer ka mid ahaa Shakhsiyaadka arrimaha samo falka ka shaqeeya.

Comments are closed