Sallaxlay: Raashin loo Qaybiyey 290 Qoys oo ku Baro-kacay Abaaraha Saameeyey Somaliland
Sallaxley 07. May 2017 (SDN/QJ):- Maareeyaha Xidhiidhka Raashinka Somaliland iyo WFP oo fariin u diray maamulka degaanka Saraar
Maareeyaha Xidhiidhka Raashinka Jamhuuriyadda Somaliland iyo WFP Mr. Siciid Xasan Cabdillaahi oo hogaaminaya wefti ka socda dalka Denmark, ayaa raashin u qaybiyey 290 qoys oo u soo hayaamay deegaanka Qoolcaday oo ka tirsan degmada Salaxlay.
Maareeyaha hay’adda Xidhiidhka Raashinka Somaliland, waxa uu sheegay in qoysaskan ay raashinka u qaybiyeen ay soo barakicisay abaarta ba’an ee saamaynta xun ku yeelay degaannada kala duwan ee dalka, waxaannu tilmaamay in weftigan ka socda dawladda Denmark ay u yimaadeen sidii ay ugu kuurgali lahaayeen heerka xaalada abaaruhu ay marayso iyo in sidii loogu talogalay loo maamulay iyo in kale qaadhaankii ay soo dhiibeen.
“Dhibtu aad ayay u badan tahay, dadka halkan maanta kaadhka ka qaadanayaa waa ilaa laba boqol iyo sagaashan qoys (290 qoys), ilaa laba boqol oo qof oo kalena waxay halkan u taagan yihiin in la diiwaangaliyo imminka. Salaxlay iyo Balli-gubadle-ba waanu ognahay hawsha taal inta ay le’egtahay, guud ahaan dalka abaartu way ka jirtaa bari iyo galbeedba, wixii aanu qaban karanyno ayaanu qabanaynaa Insha Allaahu tacaalaa inaynu dadkeena u shaqayno oo gacmaha aynu is qabsano oo aynu Ilaahay barino weeyaan,” ayuu yidhi Maareeyuhu.
Waxaannu intaas ku daray; “Runtii hawshan WFP ee aanu wadnaa ee aanu hormoodka ka nahay abaaraha oo kaliya maaha, Iskuulada ayey wax siisaa, Xannaanooyinka Hooyada iyo Dhallaanka (MCH-yada) ayay wax siisaa, ilaa 480 MCH oo xaruntii kastaba shan kun oo qof oo carruur ah ay munaafacaadsadaan ayaa runtii jira, dedaalkana waanu libin-laabaynaa. Waxa kaloo aan u mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo nagu daba jooga hawshan.”
Mr. Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa sidoo kale ka hadlay ujeedada weftiga ka socda dalka Denmark ee qaaradda Yurub, waxaannu yidhi; “Xaruntan waxa soo booqday oo nala socda wefti culus oo ka socda dalka Denmark oo ka mid ah dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha ah, iyagoo aanu tusaynay wixii ay soo dhiibeen halka ay mareen, wax kasta oo la qabanayaana haddii aanay xisaab-celin lahayn ma hagaagayaan, runtiina way ku qanceen baahida ku jirtana way arkeen, laba ilaa saddex goobood oo kalena waanu soo tusnay, waxaan runtii u mahadnaqayaa Maayarka Salaxlay iyo Maayarka Balli-gubadle-ba sida wanaagsan ee dadnimadu ku jirto ee ay dadkooda iskaga xilsaareen. Waxa jira degmooyinka kale, sida degmada Saraar oo kaloo masuuliyiinta joogtaa aanay iskaga xilsaarin, waxaanan fursadan uga faa’iidaysanayaa oo aan leeyahay waar dadka ha loo tudho oo dadka aanu hadh iyo habeenba leenahay dadka ha la soo caawiyo way bakhtiyayaane haddii aad tidhaahdaan hadhuudhkii ma cunayno ama dameero ayaa nagaga bakhtiyey, waa wax aad u fool xun, haddii aad ka cabanayso raashinku nooca uu yahay nidaam kaloo wax loo beddelo ayaa jira, wadahadal iyo si kale ayaa loo hadlaa, balse haddii aad leedahay dameero ayaannu siinay, anaguna aanu leenahay dadkii ayaa bakhtiyaya isma qabanayaan.”
“Dadka tuulooyinkuna way nala soo hadleen oo way u baahan yihiin raashinka, waananu u bilaabaynaa, haddii Ilaahay yidhaah, mashruucana waxa uu soconayaa lix bilood haddii aanu ka sii badin karnona waanu ka sii badinaynaa. Waxa kaloo aan aad ugu mahadnaqayaa NGO-ga ABD oo Maxamed Daahir uu inagala joogo oo isaguna runti si mug leh uga qaybqaatay diiwaangalinta dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen ee raashinka loogu talogalay,” ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Cabdillaahi.
Waxa kaloo halkaas hadal ka jeediyey Maayarka Degmada Salaxlay Md. Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine), waxaannu yidhi; “Maareeyaha hay’adda Raashinka Somaliland aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa, runtiina intii abaaruhu dadkeena ay ku habsadeen waxaan odhan karaa Mashruucan WFP ee uu Maareeyuhu wado waa mashuura kaliya ee qofkii baahnaa toos u gaadhay, guddida abaaruhu dedaal ayay wadaan, hay’addo kaloo dedaalayaana way jiraan.”
Maayarka degmada Balli-gubadle Md. Cabdi Iimaan Jaamac oo hadal ka jeediyey goobta raashinka loogu qaybiyey dadka, ayaa uga mahadceliyey Hay’adda WFP iyo Xafiiska xidhiidhka Raashinka Somaliland sida hagar la’aanta ah ee ay dadkan abaartu saamaysay u soo gaadhsiiyeen raashinka, waxaannu codsaday in la sii wado qaybinta raashinka si loogu gurmadu dadka ay abaaruhu saamaynta qalafsan ku yeesheen.
Maaha markii u horaysay ee Xafiiska Xidhiidhka Raashinka Somaliland uu mucaawinooyin noocan oo kale ah u qaybiyo bulshada ku tabaaloobay abaarka dalka ku dhufatay ee u soo hayaamay gobolalda Galbeedka, waxaanay hay’addu dhawaan raashin u qaybisay in ka badan 30 tuulo oo ka tirsan gobollada Hargeysa iyo Hawd, iyadoo qoysaska raashinka loo qaybiyey aad uga mahadceliyeen waxtarka loo fidiyey.