|

Wakaaladda Wararka Shiinaha Oo Shaacisay Qorshe Dawladda Itoobiya Koronto Ku Keenayso Somaliland Iyo Koonfurta Suudaan DAAWO

Beijing 07. May 2017 (SDN/QJ):- Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua oo ka mid ah wakaaladaha warar ee adduunka ugu waaweyn ayaa shaacisay war la xidhiidha qorshe ay dawladda Itoobiya waddo oo ay Laydh ama Koronto ballaadhan ku siinayso dalalka Somaliland iyo Koonfurta Suudaan.

Warka arrintaasi ku saabsan oo uu qoray wariyaha weyn ee Ying oo ka tirsan wakaaladda Xinhua ayuu ciwaan uga dhigay sidan: “Itoobiya Oo Tixgelinaysa Qorshe Ay Koronto Ugu Dhoofinayso Kuna Siinayso Dalalka Somaliland Iyo Koonfurta Suudaan” isaga oo sheegay in dalka Itoobiya oo soo saara Korontada quwadda Biyaha ku sahqaysa horena dalal ay Jabuuti uga mid tahay ku gaysay koronto ay imika soo dhammaysay daraasad la xidhiidha sidii ay Itoobiya laydhkaasi ganacsi u keeni lahayd dalalka Koonfurta Suudaan iyo Somaliland oo ay jaar yihiin.

Qoraalka warkan ay baahisay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua oo Wargeyska Foore idiin soo turjumay waxa uu u dhignaa sidan:

Bizuneh Tolcha oo ah Agaasimaha Xidhiidhka Bulshada iyo Warbaahinta ee Wasaaradda Biyaha iyo Korontada ee Dawladda Itoobiya ayaa Arbacadii sheegay in dawladdiisu ay dhammaysay qorshe lagu diyaarinayay sidii ay Itoobiya dawladaha Gobolka ee Bariga Afrika ay ula yeelan lahayd xidhiidh Ganacsi oo heersare ah gaar ahaan sidii ay Itoobiya dalal dhawr ah u gayn lahayd Laydh ay ganacsi ahaan ugu gudbiso dalalkaasi oo ay ku jiraan Koonfurta Suudaan iyo Somaliland.

Dagaalada sokeeye ee aafeeyey dalka Koonfurta Suudaan iyo sidoo kale Aqoonsi la’aanta beesha caalamka ee Somaliland haysata ayaa dhaawacday dadaal is-dhaafsi dhaqaale oo ballaadhan oo Itoobiya labadaasi dal la yeelan lahayd maadaama Itoobiya tahay waddanka labaad ee qaaradda Afrika ugu dhaqaale badan.

Dawladda Itoobiya waxa ay in ka badan 100 megawatts (MW) oo koronto ah ka iibisaa dalka Suudaan halka ay sidoo kale 80MW ka iibiso dalka Jabuuti”.

Wakaaladda wararka Xinhua oo warkeedan sii waddaa waxa ay sheegtay in dalka Itoobiya uu sidoo kale qayb ka yahay dhismaha mashruuc koronto oo dherersan 1,045 km kaasi oo kala dhaxeeya dalka Kenya kuna dhaw in uu dhammaado mashruucaasi oo dalka Kenya gaadhsiin doona koronto dhan 2,000 MW.

Qorshahan ugu dambeeyey ee Itoobiya koronto ku gaadhsiinayso dalalka Somaliland iyo Koonfurta Suudaan ayaa la filayaa in uu bilaabmi doono inkasta oo ay duruufo kala duwani ku hareeraysan yihiin guul laga gaadho mashruucan.

Comments are closed