Maraykanka oo Qirtay in Askari lagaga dilay Hawlgal Soomaaliya laga fuliyey oo Al-Shabaab ka dhan ah & inta ka dhaawacantay
Washington 07. May 2017 (SDN/QJ):- Taliska dhexe ee Ciidammada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM), ayaa sheegay in Askari Maraykan ah lagu dilay, laba kalena lagu dhaawacay hawl-gal ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose oo 40-KM Galbeed ka xiga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo dhimashada iyo dhaawacu soo gaadheen iska-caabbin Al-Shabab kaga timi ka dib.
Taliska ayaa sheegay in Ciidammada Mareykanku ay fulinayeen hawlgal la-talin iyo caawimaad isugu jira oo ay kala qeybgaleen Ciidammada Millateriga dawladda Federaalka Soomaaliya oo hawlgalkaas fulinayey.
Waxa Warka ka soo baxay Taliska lagu sheegay in Al-Shabaab ay tahay cadawga Maraykanka iyo Saaxiibbadiisa caalamka.
“Al-Shabaab waxa ay halis ku tahay Mareykanka iyo danaha Mareykanka. Kooxda Al-Shabaab ay ku xidhan tahay ee Al-Qaacida waxay dishay Dad Mareykan ah, waxay xag-jir ka dhigtay oo ay dagaalyahanno ka qoratay gudaha Mareykanka, waxaanay isku dayday inay fuliso ama dhiirri-geliso weerarro ka dhan ah Mareykanka iyo Xulafadiisa dunida.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warbixinta kasoo baxday AFRICOM.
Taliska Ciidammada Millateriga Mareykanka ee Afrika, waxa uu Bayaankiisan ku sheegay in uu sii wadi doono taageerada la siiyo Ciidammada Soomaaliya iyo Saaxiibadda kale gobolka, si loo burburiyo Kooxda Al-Shabaab, isla markaana xasillooni iyo amni loogu soo dabaallo gobolka dhammaan, gaar ahaanna Soomaaliya.
Bishii la soo dhaafay ee sannadkan, ayaa tiro Ciidammo oo Mareykan ah waxaa la geeyay gudaha Soomaaliya; si ay u tabobbaraan, isla markaana u qalabeeyaan Ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ka jooga Soomaaliya ee AMISOM.
Inkasta oo Ciidammo yar oo ka tirsan kuwa la-dagaallanka Argaggixisada ee Mareykanku ay ku sugnaayeen gudaha Soomaaliya, haddana Ciidammadan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee Soomaaliya la geeyo tan iyo sannadkii 1994-kii oo ay Maraykanka iyo Xulufadiisu dagaal qadhaadh Soomaaliya kula galeen Allaah ha u naxariistii Ciidammadii General Maxamed Faarax Caydiid, markaas oo 18-kii Askari ee ugu horreeyey ee Maraykanku qirto lagaga dilay Muqdisho, ka dib markii ay Ciidammadii Caydiid u quus-gooyeen Maraykanka iyo Xulufada illaa Soddon iyo dhawr dal oo iyaguna ka qayb-qaadanayey dagaalkaas.