Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Hadlay Hablo Dhaqan-celis Ahaan Dalka Loo Keenay Oo Lagu Celiyey Qurbaha DAAWO
Hargaysa 06. May 2017 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Hablo Dhaqan-celis ahaan loo keenay Hargeysa oo Dawladdu ku celisay Dalalka Reer Galbeedka oo Waalidiintooda markii hore ka soo kaxeeyeen.
Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Ahmiyadda ay leedahay in Qofka Muslimka ahi uu ka faa’iideysto Wakhtiga iyo Caafimaadka.