Ragii ka dambeeyay Dilka Wasiir Cabaas oo loo Gacan geliyay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Somalia
Muqdisho 04. May 2017 (SDN/QJ):- Maxkamada ciidamada qalabka sida dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in lagu wareejiyay labo askari oo la sheegay in ay ka dambeeyeen dilkii xalay magaalada Muqdisho loogu geestay Wasiirkii howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumada Soomaaliya.
Labada askari oo katirsanaa ilaalada Hanti dhowraha qaranka Dr Nuur Faarax waxaa xalay xiray ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya, waxaana askartan lagu sameeyay baaritaano ku aadan dilka ay u geesteen Wasiir Cabaas Siraaji.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa si deg deg ah loogu wareejiyay labadan askari ee ku eedeesan dilka Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, waxaana la filayaa in Maxkamada ciidamada qalabka sida si deg deg ah loo soo saaro askartan eedeesan.
Waxaa wali socda baaritaanka ay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ku sameenayaan dilkii xalay agagaarka xarunta Madaxtooyada loogu geestay Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumada Somalia Cabaas Siraaji, walina ma jiro wax faah faahin ah oo laga soo saaray baaritaanka.
Madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya ayaa si isku mid ah u cambaareeyay dilka loo geestay Wasiirkii ugu dhalinta yaraa Xukuumada Soomaaliya, waxa ayna ku baaqeen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dilkaasi cadaaladana la horkeeno dadkii ka dambeeyay.