Dadweynaha Gobolka Togdheer Oo Ka Hadley Joojinta Xuska 18-ka May Ee Sannadkan DAAWO
Burco 05. May 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya magaalada Burco ayaa sheegaya in Bulshada magaalada Burco ay ka dareen celiyeen sida ay u arkaan go’aanka ay xukuumadda Somaliland sanadkan ku joojisay xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May oo ah sanad guuradii 26-Aad ee kasoo wareegtay maalinkii dhidibada loo taagan qaranka Somaliland.
Xukuumadda Somaliland ayaa doraad si rasmiya u iclamaisey in ay gebi ahaanba sannadkan joojiyeen xuska 18-ka May,si loogu caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.