Odey Noolaa Qarni Iyo Badh Oo Ilaa Iyo Dhimashadiisiina Cabayey Sigaarka !
Indonesia 05. May 2017 (SDN/QJ):- Cimri dherarku waa hadyad Ilaahay bixiyo, sababaha ugu muhiimsan ee qofka Muslimka ahi ku helona waxa ka mid ah Cibaadada Suuban iyo Qaraabada oo la xidhiidhiyo sida ay Diinteena suuban inoo sheegtay, haddaba Dalka Indonesia waxa ku geeriyooday Odey Da’diisu ahayd 147jir oo la filayo inuu ahaa Qofkii ugu Da’da Weynaa Dadka haatan ku nool Dunida.
Odeygan waxa uu jiray Muddada Qarni iyo badh ku dhaw waxaana la odhan jiray Sodemijo sida ku cad Kaadhkiisa Dhalashada ee sanadkii 1870kii, laakiin waxa shaki galinaya in Sademijo uu yahay Qofka ugu cimriga dheer diwaangalinta Dadka dhasha oo ka bilaabmatay Dalkaasi Indonesia sanadkii 1900kii, waxaanu isagu qaatay Kaadhkaasi markii lagu soo rogay Dadka halkaasi ku nool inay is diwaangaliyaan oo ay qaataan Kaadhka dhalashada waxaanu qirtay Duqaasi inuu Sanadkii 1870kii dhashay.
Sidoo kale Dadkii ku xeernaa ee ay isku deegaanka ahaayeen waxay xaqiijiyeen in Da’daasi uu sheegtay ay tahay mid jirta oo aanu maranaba ka been sheegin intii uu noolaa Sademijo.
Sademijo waxa uu ka geeriyooday afar Dumar ah oo uu qabay iyo Toban carruura oo uu dhalay, waxa kale oo xusid mudan inuu si aad ah u cabi jiray Sigaarka, taasoo la Xaqiijiyey inuu cabayey ilaa dhimashadiisa laba maalmood ka hor.
Sademijo waxa uu sheegay inuu cimrigaasi kusoo gaadhay Niyad wanaag iyo Samir iyo inay jireen Dad aad u jeclaa oo daryeela, sida ku cad Liisaska Dhalashada ee ka diwaan gashan Adduunka qofkii ugu Da’da weynaa waxa uu ku geeriyooday 122jir waxaanay ahayd Haweenay u dhalatay Dalka France oo geeriyootay sanadkii 1997kii.
Balse Sademijo haatan isaga ayaa noqday Qofkii ugu Da’da waynaa ee geeriyooday 22kii Bishii April ee sanadkan.