Hanti Dhawraha Guud ee Somalia oo Ka Hadlay Dilkii ay Ilaaladiisu Habeenkii Xalay u Gaysteen Wasiirkii Hawlaha Guud Marxuun Cabaas Siraaji
Muqdisho 04. May 2017 (SDN/QJ):- Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo Wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa ka hadlay dilkii xalay ilaaladiisa magaalada Muqdisho ugu geesteen Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumada Soomaaliya Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji,
Dr Nuur Faarax ayaa dilka ilaaladiisa u geesteen Wasiirka Howlaha guud ku tilmaamay shil dhacay , waxa uuna tilmaamay in uu aad uga xun yahay in shilkaasi uu ku dhinto Wasiirka Howlaha Guud sidoo kale ahaa Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Somalia.
”Waxa halkaasi ka dhacay waxa uu ahaa shaki iyo askar kala shakisay oo is xabadeesay , waana ka xumahay in shilkaasi uu ku dhinto Wasiir Siraaji, waxaana tacsi u dirayaa eheladii iyo umada Soomaaliyeed uu ka geeriyooday Wasiirka’ Ayuu yiri Hanti Dhowraha Qaranka.
Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa xaqiijiyay in ay socdaan baaritaano ku aadan dilka ilaaladiisa xalay agagaarka Madaxtooyada ugu geesteen Wasiirka howlaha Guud, waxa uuna tilmaamay in uusan kasii hor dhaceyn baaritaanada socda.
Ilaalada Hanti dhowraha ayaa xalay agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku dilay Wasiirkii howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumada Soomaaliya Cabaas Siraaji, kadib markii gaariga Wasiirka ku dhawaaday gaari uu lahaa Hanti dhowraha.