“Waxaan Leeyahay Ha Lagu Dhawaaqo InShareecada Islaamka Dalka Lagu Dhaqo..” Xildhibaan Dheeg
Hargaysa 04. May 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg), oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ku baaqay in Dalka lagu soo rogo ku Dhaqanka Shareecada Islaamka, halka wakhtigan lagaga dhaqo Nidaamka Dimuqraadiyadda.
Xildhibaan Dheeg oo Shalay ka hadlayey Xarunta Golaha Guurtida ee Hargeysa, ayaa sheegay in si ILAAHAY inoogu naxariisto loo baahan yahay in Shareecada Islaamka lagu dhaqo Dalka oo la is-waafajiyo Qodobka Shanaad ee Dastuurka iyo ku dhaqanka Shareecada.
Xildhibaanka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa Ajandaheenniina ku jiray oo aynu aadna iskugu raacnay oo aynu is-nidhi ha lagu dhawaaqo in Shareecada Islaamka lagu soo noqdo Dawlad iyo Shacab-ba.”
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, “Waxaan leeyahay ha lagu dhawaaqo in Shareecada Islaamka Dalka lagu dhaqo. Qodobka Shannaad iyo Calankaa Tawxiidku ku yaallo hala is-waafajiyo, Baynal-koodhkana ha laga qaado Maxkamadaha.”ayuu yidhi.