|

Waa Tuma Shirkadda Ka Lacag badan Waddamada Kanada iyo Ingiriiska?

Ottawa 04. May 2017 (SDN/QJ):- Qiyaasihii ugu dambeeyey ee la sameeyey ayaa muujinaya in shirkada APEL ee caanka ku ah farsamada Computer-ada iyo Barnaamijyada ay haysato aduun lacageed oo ka badan isugaynta lacagaha kaashka ah ee ay haystaan Wadamada Waaweyn ee kanada iyo Ingiriisku.

Waxaa la sugayey in ay Shirkadu maanta ku dhawaaqdo xisaabaadkleeda maaliyadeed, waxaana la filayaa inay soo bandhigi doonto khasnado lacageed oo aad u culus, lacagtaas oo lagu qiyaasayo Rubuc Trilion Doolaar, waana lacag ka badan tii ay haysatay shirkadu 4 sanadood ka hor.

Shirkada APEL ayaa waxa u suurogashay inay iska yarayso cashuuraha ay Xukuumada Maraykanku ka qaadaysay, ka dib markii ay 93% hantideedii ka dhigtay lacag kaash ah oo dalka dibadiisa taalla iyadoo saamiyadeeda suuqyada ee Shirkadu leedahay lagu qiyaasay adduun gaadhaya 769.038 Bilion Doolar sida ay baahisay Hay’adda caalamiga ah ee Bluemberg oo ka faaloota dhaqaalaha adduunka.

Xukuumada Maraykanka ayay dhibaato dhaqaale ka soo gaadhay markii Shirkadihii waaweynaa ee dalkaasi ay hantidoodii u rareen dalka dibadiisa si ay uga nabadgalaan cashuuraha dheeraadka ah ee Xukuumada Maraykanku ka sugayso, waxana arintaa dhowaan soo gacan geliyey Madaxweyne Donald Trump oo sheegay inuu isku deyayo sidii shirkadahaa loogu samayn lahaa qorshe ku qanciya inay hantidooda u daayaan gudaha Dalka Maraykanka.

Hussein Kurdi

Comments are closed